HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 11-FEB-2020

0
Tuesday February 11, 2020 - 09:27:32 in Wararka by
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 11-FEB-2020

    SHEEKH MUSTAFA: "Haddaan Soomaali nahay carada ayaa nagu badan" (Farriin ku soc ota wadaadada xagjirka ah iyo…) Sh. Mustafa Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudb ad diini ah isla markaana ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHEEKH MUSTAFA: "Haddaan Soomaali nahay carada ayaa nagu badan" (Farriin ku soc ota wadaadada xagjirka ah iyo…) Sh. Mustafa Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudb ad diini ah isla markaana ku saabsaneyd cara da qofka Muslimka ah dhibaatooyinka ka dhal an kara, taasi oo uu sheegay in dadka Sooma alida ah qeybahooda kala duwan ay haanta u bateen kuwo carada ku badan tahay. Sh.Mustafa oo ka mid ah wad aaddada fara ku tiriska ah ee leh aqoonta diinta Islaamka, axkaam ta shareecada Islaamka iyo cilm iga maadiga ahna daaci muxaad arooyin u jeediya Soomaalida ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa sharra xaad ka bixiyay qisooyin asxaabihii laga soo weriyay ayna ku sheegeen culimada in akhla aqda qofka Muslimka ah ay ka kooban tahay saddex arrimood. Waxa uu sheegay Sheekha qofka oo sama ha ka shaqeeya, qofka sameeya wixii cunfiga ku fiican ee macruufka uu dadku wada qirayo iyo qofka sameeya inta dadka kale uga timaa da aanu ku boodin. "Haddaan Soomaali nah ay carada ayaa nagu badan taasna kuma soo aroorin dhaqanka qofka Muslimka ah" ayuu yiri Sheekha oo muxaadaradiisa ku soo qaatay ha dal laga soo xigtay saxaabigii gaalka ahaa ee Abii Sufyaan ka dib markii la weydiiyay 13-su' aal oo ku saabsan Nabi Muxamed NNKH, isa goo markaasi sheegay in haddii warka Nabiga laga sheegayo uu sax yahay Lugaha ka dhunk an lahaa. sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in dabeecadaha carada leh ee Soomaalida aadka ugu badan inay saameysay wadaadda da, siyaasiyiinta, bulshada inteeda badan, isag oona sheegay in qofka aqoon kasta oo ay lee dahay muhiim tahay marka hore ka wanaags anaato dhaqanka iyo akhlaaqiyaadkeeda isla markaana haddii aanayna waxba ku tareyn cilmi kasta oo ay baratay. "Cafiga qaado dadkana samaha far" ayuu yiri Sheekh Mustafa oo ku booriyay dhammaan ba shacabka Soomaaliyeed ee Islaamka ah in ay ka fogaadaan carada, taasi oo uu sheegay in qofka Muslimka ah uu yahay mid dadka khe yrka gaarsiiya xigasho:-Geesguud.com


Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka Madaxda Midowga Afrika

     Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Far maajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madax eedka Midowga Afri ka ayaa soo bandhi gay guulaha uu gaar ay dalkeenna iyo fur sadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ah aan. Md.Farmaajo ayaa xusay dadaallada DFS  ee ay kula dagaalameyso kooxaha ka soo horjeeda dowladda, arrinkaas oo horseeda ya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

     "Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fii riyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaa liya ay kooxaha kasoo horjeeda uga adkaan ka rto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee sa aran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

    "Cunaqabataynta hubka ee QM Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lah ayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo gu ryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddini inta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada ga arka loo leeyahay.”

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri "Sooma aliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyad da amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasi na waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fii can u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”     Ugu dambeentii, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay muhiimadda midni mada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedah ay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.

Midowga Afrika oo diiday qorshaha Nabad da Bariga Dhexe ee Trump

     Dalalka ku bahoobay urur goboleedka Mid owga Afrika ayaa ka soo horjeestay qorshaha nabadda bariga ee madaxweyne Trump dhow aan shaaciyay. Gud doomiyaha Ururka M/Afri ka, Muuse Faki Ma xamed ayaa qud bad uu ka jeediyay Shirweynaha33-a ad waxa uu ku she egay in M/Afrika uu taageerayo qadiyada dad ka Falastiin kana soo horjeedo qorshaha Tru mp ee siyaasadiisa Bariga Dhexe.

    "Qorshahan waa mid aysan ka wada tashan beesha caalamka waxana uu ku xadgudbayaa xuquuqda aasaasiga ee reer Falastiin.”ayuu yiri Faki Axmed.     Sidoo kale Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi, ahna Guddoomi yaha sannadlaha ee Ururka M/Afrika, ayaa she egay in arrinta Falastiin mar kasta tahay mid ku xardhan Quluubta dhammaan dadka Afrik aanka.

     Sayral Ramafoosa Madaxweynaha dalka K/Afrika oo la wareegaya xilka Guddoomiyaha sannadkan ee AU-da ayaa la meel dhigay qor shaha Madaxweyne Trump soo bandhigay uu la mid yahay Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalkkiisa.

Maamulka Mandhera oo dalbaday in hubka laga dhigo Cabdirashiid Janan

    Gudoomiyaha D/Mandhera ee G/W/Bari Ke nya ayaa D/Kenya ugu yeeray inay hubka ka dhigto ciidanka uu hoggaaminayo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland. Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee uu horkacayo Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa 7aadkii hore fariisimo ka samaystay inta u dhaxeyso Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandhera, taasoo walaac xagga amniga ah ku haysa shacabka labada degmo.

       Gudoomiyaha D/Mandhera, Cali Ibraahim Roba oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay M/Na yrobi ayaa sheegay inay D/Kenya uga baahan yihiin inay gacan ka gaysato xal u helidda xii sadda ka taagan xuduuda. Gudoomiyaha ayaa sheegay inaanay doonayn inay Ciidanka Jubbaland hubka ku sii jeediyaan Ciidamada DF ee la wareegay D/B/Xaawo, si aanay iyagu na hubka ugu soo foorarin D/Mandhera.

"Dadkaas ma rabno oo hubeysan inay hubka ku sii jeediyaan B/Xaawo, kuwii B/Xaawo joog ana ay hubka u soo jeediyaan Mandhera, taa soo dhib u keeni doonta shacabka aan anaga masuulka ka nahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha D/ Mandhera. isgoo tilmaamay in sida ugu dha khsiyaha badan hubka looga dhigo Cabdira shiid Janan iyo ciidamada uu wato, Wasiirkana ay Dowladda Kenya u kaxeyso meel kaloo amnigiisa lagu suggi karo.

       "Waxaan rabaa sida ugu deg degga bad an Cabdirashiid Janan iyo kooxdiisa in hubka laga qaado, meel kaloo lagu hayn karo ay Dow ladda Kenya gayso.” Ayuu yiri Cali Ibraahim Roba, Gudoomiye Roba ayaa yi ri "Midda 2aad dadka hubeysan waxaan rabaa inay hubka iska dhigaan,wax walboo amniga wa x u dhimaayana 100/100 waan ka soo horjeednaa. Anaga wax aa noo daran laba umadood oo deris ah oo col anaga shacab ahaan Beled Xaawo ka imaa nin, Mandherana ka imaanin in lagu soo xaw ilo.”

    Waxaa uu intaa ku daray "Ciidanka meesha soo fariistay/xuduuda Mandhera iska horimaad ayaga iyo shacabka inta aynaan imaanin ka hor, waxaan rabnaa inay sida ugu deg degga badan meesha uga guuraan. Maxaa yeelay u ma dulqaadan karno, mana qaadanayno waa arrin aad u adag oo aan u dulqaadan karin.”

     Waa markii ugu horeysay oo Maamulka D/Mandhera uu war rasmi ah ka soo saaro xaa ladda cakiran, ee maalmihii la soo dhaafay ka oogneyd Degmada Beled Xaawo.

Wasiirka warfaafinta Puntland: Madaxwey nuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta

      W/warfaafinta Puntland, Cali Sabarey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayay saxaafad da, isagoo yidhi” Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xam ilo qaladka warbaahinta.”

    W/warfaafinta ayaa sheegay madaxweyne Deni inuu aamins an yahay in saxaafada Puntland lasoo dhex galay oo loo adee gsanayo dagaal uu sheegay in lagusoo qaaday jiritaanka Puntland.

    Maalmo ka hor, Puntland ayaa si aad ah u ga carootay muuqaalo arday reer Bosaso oo dalbanayay inay helaan shahaadada dowlad da Soomaaliya bixiso.        Laakiin maalin kadib Puntland waxay cadaadis ku saartay maamul ka dugsiga ay ardaydaas katirsanayeen in loo yeero iyaga iyo waalidkood laguna cadaadiyo inay raalli galin ka bixiyaan muuqaalkii horey saxaafadu uga duubtay.

       Madaxweyne Deni waqtiyadii ololaha door ashada waxaa uu kamid ahaa murashixiinta ku doodayay in aan cidina la aamusin oo cid wal baa si xor ah afkaartooda usoo gudbin karto, is agoo xukuumadii talada haysay ku dhaleecayn jiray caburin. Waxaa oraahyadiisiii kamid ah aa,” Waal aga soo baxay casrigii dad yar ay tal in jireen. Waxaa la rabaa shacabku inuu codkii su taliyo. Waxaa la rabaa rabitaanka shacabka in lagu shaqeeyo. Xilligii wax la qaran jiray waa dhamaatay. Codkiina waa shaqeynayaa.”

  Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntl and, Cabdixakiin Dhoobo ayaa horey madaxw eyne Deni ugu dhaleeceeyay inaanu lahayn dulqaad uu Puntland ku gaarsiin karo

nidamka dimuqraadiyada Xigasho:-hiiraan.com


Wasiir Goodax Barre oo khal khal geliyay xilka Deni

    Maamulka iyo waalidiinta ardayda Iskuulka Boosaaso Public ayaa si furan raalligelin buu xda kaga bixiyey hadal uu siyaasadeeyay C/hi Goodax Barre, wasiirka tacliinta Soomaaliya.

     Hadalka oo kasoo yeeray qaar kamid ah ardayda dugsigaas ayaa nuxurkiisu ahaa inay muhiim tahay in ay helaan shahaadada dugs iga sarre. Waalidiinta iyo mas’uuliyiinta iskuul ka ayaa sheegay in muuqaalka laga qabtay ar dayda la jarjaray isla markaana shaqsiyaad da no gaar ah leh ay arrintaas sameeyeen kuna faafiyeen baraha bulshada.

      Sidoo kale, maamulka oo tibaaxay in arday du xor u yihiin in ay cabiraan fekerkooda ayaa caddeeyay in mowqifkoodu yahay in ay galaan mtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Puntland.

  "Ardayga wuu ku hadli karaa dibadda iskuul ka, kaas mas’uul kama nihin mana ku hadli ka ro afka iskuulka. Waxaan caddeynaynaa in ays an jirin dacaayada laga faafiyey Boosaaso Public School,” ayuu yiri.

     Si lamid ah, ardayda iyo waalidiinta oo xus ay inay garab taagan yihiin maamulka ayaa dhaliilay warbaahintii baahisay muuqaalkaas.

"Puntland waa far iyo faraanti waanu isku duu ban-nahay meel baanu kasoo wadajeed naa,” ayay tiri mid kamid ah waalidiinta” Saxaa fadii banaanka ku wareysatay ardayda way qaldan tahay”.

    Goodax Barre iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Soomaaliya oo xurguf siyaasadeed ay dhaxeyso Puntland ayaa ku eedeysan in ay doonayaan burburinta nidaamka horumaray ee waxbarashada maamulkaas. Wasiirka Waxba rashada Soomaaliya ayaa ku eedeysan in uu doonayo burburinta nidaamka waxbarashada Puntland.

Janan oo ka hadlay waxa kala dhaxeeya KENYA

     Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jub baland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa ka hadlay arr imo xasaasi ah oo ku aad an xaaladiisa, gaar ahaan waxa kala dhexeeya dowl adda Kenya.

Janan ayaa wareysigaan ku sheegay in Kenya aysan wax gaar ah kala dhexeyn, marka laga reebo darisnimada Jub baland, siduu hadalka u dhigay.Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan uusan ku sugn eyn dalkaasi, islamarkaana uu joogo degmada Beledxaawo oo ah magaallo Soomaaliyeed.

"Kenya dowlad aan deris nahay waaye muddo dheerna aan deris ahyn inta aan noolnahayna aan sii ahaan doono, wax gaara oo dowladda kenya naga dhaxeeyo oo derisnimada ka bax san ma jiraan, anigane dalkeeda ma joogo ee waxaan joogaa degmada Beladxaawo”. ayuu yiri wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan)

      Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in u jeedada iyo dhaq dhaqaaqyada uu ka wado gobolka Gedo ay tahay sidii uu dib ugu soo celin lahaa xasiloonida gobolkaasi oo uu tilma amay in meesha laga saaray nabad galyadii ay ku naaloonayeen shacabka. "Aniga ujeedadeydu wax weeyaan in shac abkan noloshii Dorraad ay haysteen in ay dib u helaan oo hadda gacantoodii laga bixiyay nab adgelyadoodii in ay helaaan iyo in aan badba adiyo sharaftooda lagu xad gudbahayo” ayuu markale yiri wasiir C/rashiid Janan.

      Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ha atan xiisad u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland laga dareemayo degmada Bele dxaawo ee gobolka Gedo.

Rag hubeysan oo dil iyo dhaawac ka gey stay duleedka Afgooye

    Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabee laha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Habeen hore rag hubeysan oo burcad ah ay dad shacab ahaa dil iyo dhaawac ugu gey steen duleedka degmada Afgooye ee go bolkaasi.

     Raggan oo ku hubeysnaa qoryaha fu-fudud ayaa la shee gay inay weerar ku qaa deen dad beeraley ah oo ku sugnaa halkaasi, iyaga oo isugu daray dil, dhaawac iyo dhac intaba.

     Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dableydaasi ay dishay nin lagu magacaabi jiray, Cumar Nuur oo ka mid ahaa dadka beeraha ku leh duleedka Afgooye.

Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dhaawacyo loo geystay dad kale oo la socday marxuumka, kadibna laga qaatay wax alaala wixii ay siteen.

     Wararka ayaa sidoo kale intaasi ky daraya in kooxdii burcada aheyd falka kadib ay goobta isaga baxsatay, waxaana markii dambe mee sha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afg ooye oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey duleedka degmadaasi.

    Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

      Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhibaatooyin kala duwan oo ay geystaan kooxo burcad ah oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi, sidoo kale waxaa u sii dheer weerarada dagaalyahannada Xara kada Al-Shabaab iyo dagaallada ay kala kulm aan ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay gaari Ciidan oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho

     Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Mil itariga Somaliya, ayaa waxaa qarax miino lag ula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miino, ayaa qabsaday gaar iga xilli uu maraayay nawaaxiga deegaanka Sii nkadheer ee duleedka Magaalada.

       Ciidamadii saarnaa gaariga ayaa waxaa soo gaaray khasaare dhimasho & dhaawacba leh, sidoo kalena gaarigii qaraxa miinada lala eegtay ayaa burbur uu soo gaaray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka Som aliya, ayaa Warbaahinta waxa ay u xaqiijiyeen laba Askari inay ku dhinteen qaraxaasi, tiro kal ena ay ku dhaawacantay.

       Inkastoo wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye ay tahay mid xiran oo aysan marin ga adiidka shacabka, ayaa hadana gaadiidka Mili tariga halkaasi marka ay marayaan waxa ay la kulmaan qaraxyo.

Dib u eegista Dastuurka oo ‘ka socon la’ hal arrin

    Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka, Mudane Xus een Sheekh Maxamuud oo u warramay idaac adda Mustaqbal ayaa ka hadlay caqabadaha heysta arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Senatarka ayaa shaaciyey in dib u eegistu ay ka socon la’dahay hal arrin, taas oo ah khilaafka dowla dda federaalka iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka.

      Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuu rka ee labada aqal ayaa sidoo kale sheegay  in xiriirka aan wanaagsaneen ee labada dhinac uu sameyn ku yeeshay howlahooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in meesha ay ka maqan tahay doorkii laga rabay madaxda    Qaranka ee arrimaha dib u eegista Dastuurka KMG Soomaaliya.

        Xuseen Sheekh Maxamuud oo hadalk iisa sii wata ayaa qiray in loo baahan yahay in qof weliba ay qaadato kaalinteeda, gaar ahaan dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in si deg deg ah looga wada xaajoodo khilaafka siyaasa deed ee haatan jira, si uusan caqabad ugu no qon geedi socodka guud ee dalka.

      Khilaafka DFS kala dhexeeya Jubbaland iyo Puntland oo muddo fog taagan ayaa saa meeyey xiriirka iyo wada shaqeynta  dhinac yadasi

Colaad ka taagneyd Matabaan oo xal kama dambeys ah laga gaaaray

     Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ku guuleystay in xal kama dambeys ah laga gaaro colaad muddo dheer ka taagneyd gudaha degmada Matabaan iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Hiiraan.

     Kulan ka dhacay degmadaasi, islamarkaa na ay ka qeyb galeen taliyaha guutada 15-aad, odayaasha iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo afjaray xiisadaasi oo u dhexeysay labo malee shiyo beeleed oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

     Jen. Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee ciidanka Xo ogga oo kulanka ka hadlay ayaa kula dard aarmay odayaasha labada dhinac inay ka dha beeyaan heshiiska, islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan nabadda deegaanka.

       Sidoo kale wuxuu ka dalbaday maleeshiy aadka labada beelood inay ka fogaadaan wax kasta oo dib u soo celin karaa colaadaasi.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah odayaasha ee ka qeyb galay shirka oo madasha ka hadlay ay aa ballan qaaday inay qaadan doonaan door kooda, islamarkaana ay dhaqan gelinayaan he shiiska la gaaray oo lagu kala qaadanayo Diyo laga bixinayo dilalkii hore ee ay isugu geysteen labada beelood, si ay xal waara ugu noqoto xiisadaasi.

      Hiiraan ayaa waxa in muddo ah ka taag naa colaado salka ku hayo arrimo la xariira aa no qabiil, kuwaas oo lagu dilay dad badan.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u dhoofay dalka Germany

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Punt land Axmed Cimi CismaanKaraash ayaa maan ta safar ugu ambabaxay dalka Germany. Garo onka diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Ai rport Garoowe, wa xaa madaxweyne ku-xigeen ka ku sii sago otiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowl adda

       Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Punt land ayaa lagu shaaciyay safarka madaxwe ynaha, balse lama sheegin ujeedada uu la xir iiro socdaalka madaxweyne ku xigeenka ee dalkaasi Germany.

Rag lagu helay kufsigii & dilkii Caaisha Ilyaas oo la toogtay

            Maamulka Puntland ayaa saakay fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso waxaa uu xukun dil toogasho ah ugu fuliyeen laba kamid ah Saddex rag ah oo loo xukumay kuf-sigii iyo dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu gey-stay Caaisha Ilyaas oo aheyd Gabar 13 jir ah.

            Saddexda Ragga ah ee falkaasi loo heystay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/ra-xmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dig-e,hayeeshee dil toogasho lagu fuliyey Cabd-ifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdis-hakuur Maxamed Dige,halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey in la toogto C/salaan C/r-axmaan Warsame.

            Sababaha xukunsanaha saddexaad looga reebay saakay in la toogto ayaa waxaa lagu sheegay in uu codsadey Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan in dib loo dhigo.

            Raggan Saddexda ah ee loo heyso kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Rac-faanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.

            Si kastaba 24-kii February sanadkii 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 13-sano jir, ayaa lagu waayay xaaf-adda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray,hayeeshee maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geys-tay,waxaana dhacdadaas ay noqotay mid BulshadaSoomaaliyeed badankood ay ka fal celiyeen.

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub

            Sidoo kale inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa qodobadii looga hadlay waxaan kmaid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

            Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo uu la qaadanayo Madaxda ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika, kaasi oo shalay lasoo Gaba-gabeeyay.

            Shirka 33-aad ee Midowga Afrika ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madax-weynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb

            Madaxwaynaha Galmudug Garabka Ahlusunna Maxamed Shaakir Cali Xassan iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Maxamad Shuuke Macalim ayaa kulan la qaatay Wasiirada Do-wlad Goboleedka Galmudug.

            Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimo ay ka mid Yahiin, sidii loo dar-dar galin lahaa howlahii Shaqo ee Wasa-aradaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo Xar-iirka wanaagsan daneeyayaasha Arimaha Hor-umarinta Galmudug.

            Dhinaca kale Madaxweynaha Cusub ee Dolwad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu kula kulmey Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulsh-ada.

            Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Odayaasha Dhaqanka iyo Bulsh-ada ula Shaqeyn lahaayeen Maamulka Cusub ee Galmudug loona bilaabi lahaa dib u heshiisiin.

            Si kastaba kulamadan iska soo horjeeda ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli weli aan wax xal ah laga gaarin khilaafka ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay Mada-xweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).


Shirkadda Apple oo malaayiin Dollar lagu ganaaxay


Shirkadda teknoljiyadda ee Apple ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 27 milyan oo doolar, kadib markii si bareer ah ay culyes u saartay noocyadii hore ee taleefoonadii ay soo saartay, arrintaas oo aysan ku wargelinin macaamiisheeda.

Ganaaxan ayaa shirkadda Appel waxaa saaray hey’adda Dowladda Faransiiska u qaabilsan kahortagga waxyaabaha been abuurka ah, waxaana ay sheegtay in macaamiisha iibsaday taleefoonadii hore ee Apple aanan lagu wargelinin in sidaas lagu sameynayo taleefoonadooda.

Sanadkii 2017, Apple ayaa xaqijisay in ay si bareer ah culeys saartay isticmaalka qaar kamid ah taleefoonadi hore ee ay shirkadda sameysay, waxaana ay intaa raacisay in sababta ay sidaas u sameysay ay tahay in la yareeyo isticmaalka mudada dheer ee taleefoonadii hore.

Apple ayaa markii ganaaxa la saaray kadib war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in xal u helidda arrintaas ay isla meel dhigeen iyaga iyo Dowladda Faransiiska.

Maxay tahay sababta ay Apple u sameysay sidaas?

Dad badan oo macaamiil u ah Apple ayaa in muddo ah tuhmayay in shirkadda Apple ay si bareer ah u curiyaamisay isticmaalka taleefoonadii hore, waxaana dadkan ay sababta ku sheegeen inay tahay sidii ay suuq u heli lahaayeen taleefoonada cusub ee ay soo saarto Apple.

Sanadkii 2017-ka, shirkadda ayaa xaqijisay in ay curiyaamisay isticmaalka qaar kamid ah taleefoonadii hore, maadaama sida ay sheegtay ay duug noqdeen, balse uma aanay sheegin dadka in ay iibsadaan kuwa cusub ee ay soo saartay.

Apple ayaa sheegtay in awoodda beytariga taleefoonadi hore ay aad u yaraatay, taleefoonadana aysan ku shaqeyn karin maadaama ay duug noqdeen.

Shirkadda ayaa sidoo kale arrintan ku sababeysay in marka ay damacdo in barnaamij cusub ay ku shubto taleefoonadaas aysan u suurtagleynin beytariga awgii.

Arrintan ayay dad badan ogaadeen kadib markii qaar kamid ah macaamiisha isticmaala taleefoonadaas ay tijaabiyeen, haseyeeshee qaar ayaa markii ay badeleen beytariga waxaa u suurtagashay in uu markale si wanaagsan ugu shaqeeyo. Maxay hay’adda Faransiiska tiri? Hey’adda dalka Faransiiska ee ganaaxday Apple ayaa sheegtay in khaladka ugu weyn ee ay sameysay Apple ay tahay in aysan tallaabada ay qaaday ku wargelinin macaamiisheeda, ayna taleefoonadooda ku shubtay barnamaijyada iOS (10.2.1 iyo 11.2) taas oo keentay in uu culeys ku yimaado isticmaalka taleefonada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip