Qiyaasta saddexdii xukmane ee kiiskii Caa'isha Ilyaas oo berri ku muddaysan

0
Monday February 10, 2020 - 19:34:42 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiyaasta saddexdii xukmane ee kiiskii Caa'isha Ilyaas oo berri ku muddaysan

    11-ka February 2020 oo ku beegan Talaadada berriya, ayaa ku muddaysan wakhtiga ay Xeer ilaalinta Puntland shaacisay, in la qiyaasi doono saddexda Xukmane ee Kiiskii Caa'isha Ilyaas. 12-kii bishii January ee la soo dhaafay, Xeer ilaaliyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

11-ka February 2020 oo ku beegan Talaadada berriya, ayaa ku muddaysan wakhtiga ay Xeer ilaalinta Puntland shaacisay, in la qiyaasi doono saddexda Xukmane ee Kiiskii Caa'isha Ilyaas. 12-kii bishii January ee la soo dhaafay, Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa si rasmiya u muddeeyay wakhtiga la fulin doono qisaasta saddexda nin ee u xukman Kiiskaasi. Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa'isha Ilyaas Aaden. Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. 24-kii February 2019 Caa'isha Ilyaas Aaden oo da'deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray. Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga'gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba'an loo geystay. Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa'isha Ilyaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip