Jabuuti oo beenisay in dalkeeda laga helay qof qaba Coronavirus

0
Monday February 10, 2020 - 19:31:49 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti oo beenisay in dalkeeda laga helay qof qaba Coronavirus

    Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay si xoogan u beenisay wararka sheegaya in qof qaba xanuunka Coronavirus laga helay dalkeeda. Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku sugan kun (1,000) askari oo ka socda dhulweynaha Shiinaha, kuwaa oo saldhig militari halkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay si xoogan u beenisay wararka sheegaya in qof qaba xanuunka Coronavirus laga helay dalkeeda. Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku sugan kun (1,000) askari oo ka socda dhulweynaha Shiinaha, kuwaa oo saldhig militari halkaasi ku leh. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa war uu soo saaray ku sheegay qof qaba cudurka Coronavirus, una dhashay dalka Shiinaha in lagu arkay dalka Jabuuti, taasoo walaac ku abuurtay dadka reer Jabuuti. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warka ka soo yeeray Ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qoraal ay soo sheegtay ku cadeysay illaa iyo hadda inta laga warqabo aanu jirin qof qaba Coronavirus oo lagu arkay dalkeeda. Isu socodka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shiinaha oo mid joogto ah ayaa waxaa jira dareen ay dadku ka muujinayan suurtagalnimada in Ciidamada Shiinaha ay cudurka u soo gudbiyaan Jabuuti.




 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip