Colaad ka jirtey deegaano ka tirsan G/Hiiraan oo la soo afjarey

0
Monday February 10, 2020 - 09:15:44 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaad ka jirtey deegaano ka tirsan G/Hiiraan oo la soo afjarey

    Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleytay inay soo afjaraan colaad u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,kuwaas oo kasoo kala jeeda degmooyinka Baladweyne iyo Matab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleytay inay soo afjaraan colaad u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,kuwaas oo kasoo kala jeeda degmooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan. Kulan Colaadaas lagu soo afjarayay oo lagu qabtey degmada Matabaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Taliyaha Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame iyo Odayaasha labada Beelood. Labada Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa ay ku dagaalameen deegaano duleedka ka ah degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,waxaana dagaalkooda uu ahaa mid ku bilaawdey dilal aanooyin qabiil ah. Taliyaha Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa sheegay in taliska ku mashqulsanaa xal ka gaarista Colaado soo Jiitameyey in Muddo ah hadase xal waara laga gaaray. Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay dhaqan gelin doonaan heshiiskaas,iyaga oo goobta ku kala qaatey mag ama Diyo loo loo bixinayo dilalkii ay beelaha kala geysteen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip