Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fuliyey Kenya

0
Monday February 10, 2020 - 09:13:07 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fuliyey Kenya

    Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku waramaya in Xubno lagu tuhmayo iney Al-Shabaab ka tirsanaayeen ay magaalada Milihoi ee ku taala wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ku gubeen laba ka tirsan gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadadaasi. Taliyaha ciidam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku waramaya in Xubno lagu tuhmayo iney Al-Shabaab ka tirsanaayeen ay magaalada Milihoi ee ku taala wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ku gubeen laba ka tirsan gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadadaasi. Taliyaha ciidamada booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta The Citizen ee dalka Kenya isaga oo sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen ka hor inta aaney Al-Shabaab u cararin dhanka keymaha. Sarkaalkan ayaa sheegaya in marka laga tago baabuurta la gubay aaney dhacdadani sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah. Kooxda weerarka qaadday ayuu taliyaha booliska ee Lamu sheegay iney damacsanaayeen iney weeraraan xarun boolis oo ka agdhoweyd wadada uu dayactirku ka socdo ee Lamu-Garsen. Al-Shabaab ayaan weli sheegan weerarkan. Hase ahaatee, waxa ay Al-Shabaab dhowr jeer oo hore ay weeraro ka fuliyeen goobo ka tirsan gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip