HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 10-FEB-2020

0
Monday February 10, 2020 - 09:04:26 in Wararka by
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 10-FEB-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Canada Madaxweynaha D/Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay M/Addis Ababa R/Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau. 2da masuul ayaa ka wada hadlay si dii Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Canada Madaxweynaha D/Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay M/Addis Ababa R/Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau. 2da masuul ayaa ka wada hadlay si dii Soomaaliya iyo Canada ay u yeel an lahaayeen iskaa shi dhinacyo badan oo waxtar u leh lab ada dal. Canada waxaa ay martigelisay Soomaali ba dan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horum arka labada dal, waxaana uga mahad celinay naa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.

Senator Muuse Suudi: Senatorada Puntland cadaalad darro awgeed ayay uga baxeen shirka aqalka sare

    Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay cadaalad darro awgeed shirka golaha aqal ka sare uga ba xeen senatorada ka soo jeeda Pu ntland,kuwaas oo Shalay mid ka mid ah laga waayay fadhiga.

    Md.Muuse Suudi waxa maqnaashaha waki ilada Puntland ku tilmaamay mid aan indhaha laga saaban karin loona baahan yahay in wax laga qabto waxa dhaliyay carradooda.

     "Shalayy Puntland way joogeen haddana hal mid kama fadhiyo shirka. Waxay ka tageen shaqo xumada Shalay socota,” ayuu yidhi Sen ator Muuse Suudi.

     Illaa iyo hadda senatorada Puntland kama hadlin sababta ay uga baxeen hoolka aqalka sare iyo cadaalada darrada ay tabanayaan. Ha se yeeshee, bixitaankooda ayaa la aaminsan yahay inuu qeyb ka yahay khilaafka Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya oo meel xasaasiya maraya.

      Madaxweyne Deni ayaa codsi u diray dha mmaan wakiilada Puntland dowladda federal ka inay 15- bisha 3aad kasoo qeyb galaan shir wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka Pu ntland ee dowladnimada Soomaaliya.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo si kala gaar gaar loogu soo dhoweeyay Muqdisho

    Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed iyo Xasan Sh.Maxamuud ayaa Shalay si kala gaar gaar ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cad de ee magaalada Muqdisho.

      Madaxweynayaashii hore oo xilligan hogga amiyo Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mid eysan yihiin dhowr xisbi ayaa safarro ugu ma qnaa dalka dibaddiisa, waxaana soo laabasha dooda Shalay ay ku soo aadday, maalin ka dib sanad-guuradii 3aad ee ka soo wareegatay doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo ee labaduba looga adkaaday.

      Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Ahmed ayaa safaro ugu ma qnaa dalalka Turkiga iyo Ingiriiska, halka Xas an Sheekh uu dalka Tanzania ugu maqnaa, halkaasoo ay degan yihii qoyskiisa.

     Labada Madaxweyne hore ayaa waxaa gar oonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole iyo xubnaha xisbiyada ay kala hoggaamiyaan.

      Madasha uu hoggaamiyo oo ay ku mideys an yihii dhowr Xisbi ayaa muddooyinkii u dam beeyay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wad ay Muqdisho, iyagoo si weyn u mucaaradayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farm aajo.

Puntland oo saddex sano oo xabsi ah ku ri day masuul lagu helay musuq maasuq

     Maxkamad ku taala M/ Bosaso ee Puntl and, ayaa 3 sano oo xarig ah ku riday sarkaal katirsan wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo lagu helay inuu ka ganacsanayay shatiyo been abuur ah oo uu siin jiray ganacsatada kalluunka.

     Maxamed Ca li Muuse oo ahaa madaxii ma araynta kalluumaysiga ayaa xukun kiisa looga dhawaaqay maxkamada darajada koowaad ee M/Bosaso kadib markii uu muddo u xirnaa baarista eedeymaha loo haystay.

       Maxkamada waxay xoriyadiisa usoo celi say Mahad Cali Car-Car oo ahaa isu-duwihii wasaaradda kalluumaysiga ee G/Garadafuu, kaasoo eeda la wadaagay masuulka xukunka lagu riday ee dambiga lagu helay.

     Xukumanaha ayaa haysta racfaan 30 cishe ah.

     Madaxweynihii hore ee Puntand, Cabiweli Gaas ayaa sidaan oo kale masuuliyiin katirsan wasaaradda kalluumaysiga u xiray kuwana shaqada uga eryay kadib markii musuq maas uq lagu helay.

     Sanadkaan gudihiisana, wasaaradda maal iyadda Puntland ayaa shaqaale katirsan wasa araddeed u xirtay arrimo musuq maasuq.

C/raxmaan Cabdi Shakuur oo la kulmey Wakiilka QM

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Ca bdi Shakuur ah na hoggaamiy aha Xisbiga Wadajir ayaa M/ Muqdisho waxaa uu Shalay ku la kulmey Wakiilka Q/Midoob ey ee Arrimaha Soomaaliya Amb Ja mes Swan. Kul anka ayaa 2da dhinac wax aa ay uga wada hadleen arrimaha doora shoo yin ka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee DFS iyo D/Goboleedyada, xaaladda G/Gedo qodobo kale.

    "Kulan aan la qaatay ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Sw an ayaan kaga wada hadalnay arrimaha doora shooyinka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee DFS ,D/Goboleedyada, xaalada G/Gedo iyo do orashooyinkii Galmudug ayuu yiri” C/raxman C/Shakuur.

      Amb James Swan ayaa horey ula kulmaey madax ka tirsan Dowladda iyo Maamul Gobo leedyada ka jira dalka.

Md.C/kariin Guuleed oo war saxaafadeed soo saaray, baaq uu u diray DFS, DG iyo Beesha caalamka

     Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ah Musharax Madaxwe yne doorashada sanadka 2021 ayaa soo saaray war saxaafade ed uu uga hadlayo xaalada siya asadeed ee dalka.

War saxaafadeedka C/kariin Gu uleed oo isugu jiray baaq iyo talooyin uu u jee diyay DFS.Dowlad Goboleedyada,Beesha Caa lamka iyo shacabka Soomaaliyeed.

DF oo go’aan aan la fileyn ka qaadatay shirweynaha uu iclaamiyey Saciid DENI

      Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soo maaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Habeen hore ka qeyb galayey barnaamij gaar ah oo lo oga hadlayey waxqabadka dowladda ee sa ddexdii sano ee la soo dha afay ayaa soo hadal qaad ay arrimo ku saabsan shir ka uu dhawaaqay madaxw eynaha Puntland, Siciid De ni. Maareeye ayaa sheegay in dowladda feder aalka ay soo dhaweyneyso shirkaasi oo ah mid guud ah wadatashi ah.

     Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muuj iyey inay ka bixi doonaan natiijooyin muhiim ah oo waxtar leh Ummadda Soomaaliyee, gaar ahaan reer Puntland.

      Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni inuu ka shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, islamarkaana uu muujiyo tanaasul.

     Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo we li uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowl adda federaalka iyo Puntland, kaas oo muddo soo dheer soo jiitamayey.

     Jimcihii ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland oo ay dhinac taagan yihiin golihiisa wasiirada uu iclaamiyey shir looga hadlayo aay aha maamulkaasi, kaas oo uu ku marti qaaday siyaasiyiinta, waxgaradka, aqooyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaal iya oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeed Muhiim Ah

      Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fe deraalka Soomaaliya ayaa Kulankii 36aad ee Kalfadhiga 6aad ku yeeshay Xaruntooda M/Mu qdisho ee Caas imadda dalka.

Kulankan ayaa waxaa Shir Gudd oominaya Guddo omiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaa na ku wehlin ay ay Guddom iye Ku-xigeenka 1a ad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axm ed iyo G/ye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Moowliid Xuseen Guhaad.

    Ajendaha Kulanka ayaa waxaa uu ahaa la ba qodob oo kala ah.

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

2)Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Duu lista Rayidka.

      Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaa laha,Maaliyadda,Ganacsiga,Warshadaha, Isg aarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deqa Xasan Xu seen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

      Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Han ti-dhowraha Guud ee Qaranka Md.Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Waxaa Ogaalada 25 Senatar, waxaa diiday 4 Senatar, wax ka aamusay majirin.

Kenya oo war ka soo saartay arrinta Janan iyo dalabka DF

     Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreys ay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jub baland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowlad da federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka.

     Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay warge yska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go’aaminta wasiir Janan.

    Macharia Kamau ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintaan kaliya ay ka falcelin karaan saraaki isha ciidamada amniga, sida uu hadalka u dhig ay. "Arintani gacanteenna kuma jirto, waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaa bo inay wax ka og Yihiin, waana ciidamada am niga”. ayuu yiri Mr. Kamau.

      Sidoo kale Daily Nation ayaa xusay in wasi irka amniga Jubbaland uu degan yahay hoteel ku yaalla Mandera, islamarkaana ay amnigiisa la wareegeen ciidanka Kenya, inkastoo horay wasiirku wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay inuu joogo degmada Beled-Xaawo.Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soom aaliya ay Kenya iyo Booliska ENTERBOOL ka dalbatay in la soo gacan galiyo wasiir Janan oo 28-kii bishii hore ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, isaga oo doon dheereysa ku tagay mag aalada Kismaayo.

     Janan oo xiran tuutaha milatariga ayaa sid oo kale Dorraad ka soo muuqday duleedka Bel ed-Xaawo, halkaas oo uu ka wado dhaq dha qaaq ka dhan ah ciidanka dowladda.

      Xaaladda gobolka Gedo, gaar haan Beled-  Xaawo ayaa aad u kacsan, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in barakac xoogan uu ka bilowday gudaha magaaladaasi.

Janan oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Beled Xaawo iyo eedeynta DF

     Wasiirka Amniga Jubbland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo maalmahaan ku sugan duleedka degmada Beled-Xaawo ayaa Shalay ka hadlay xaaladaha kusoo kordhey G/Gedo, xarigii dowladda u geysatay arrimo kale.

     Wasiir Janan oo shir Jaraaid qabtey ay aa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaali ya ay si sharci darro ah Ciidamo farabadan kusoo daaabushay deg mooyin ka tirsan gobolka Gedo, islamarkaana degmooyinkii amniga ahaa ay haatan amni darro ay ka abuurtay.

       Waxaa uu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca Gobolka Gedo ay mas’uuliyade eda qaadi doonaan madaxda DF oo uu sheegay in degmooyin amni ah ay kusoo duushay.

    Waxaa uu soo hadal qaadey kiiskii dowlad da Soomaaliya ay u xirtey ee ahaa in uu gobol ka Gedo deegaano kamid ah dad ku dhibaatee yey, waxaana uu sheegay in uusan jirin dembi uu geystay.

     "Aniga wax dhibaato ah uma geysan Shac ab Soomaaliyeed,laakin dagaal Ciidamada iyo Al-Shabaab dhex maray inay waxyeelo kasoo gaarto waa ay dhici kartaa ayuuu yiri” Wasiir Janan. Isaga oo ka hadlayay xarigii loogu geys tay M/Muqdisho ayuu sheegay in qor shahoo da uu ahaa madaxda Dowladda in ay arbusha ad ka sameeyaan G/Gedo, hase yeeshee haa tan u ku sugan yahay D/ Beled-Xaawo ciddii u baahatana uu soo dhaweynayo

     .Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa ka baxsadey halkii uu ku xirnaa 28-kii Bishii tegtay ee Jan aayo Sanadkaan 2020, waxaana maalmo ka dib uu tegay Kismaayo ugana sii gudbey Nay robi ugu dambeyna uu tegay Gobolka Gedo.

Magaca Muwaadin Soomaaliyeed oo Habeen hore lagu dilay dalka K/afrika.

    Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Habeen hore Xaafad ka tirsan M/Cape Town ee dalka K/ Afrika waxaa ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku lahaa Goob Ganacsi.

     Dilka Muwaadinka oo loo adeegsaday Too reey ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Dukaankiisa oo ku yaallay Xaafad lagu magacaabo Erzikh oo ka tirsan M/Cape Town, waxaa na durbo loola cararay Xar un Caafimaad, hayeeshee markii la geeyay ayuu geeri yooday.

      Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu maga caabi jiray C/qaadir Cabdulle Gacal, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee Soomaa liyeed ee kunoolaa Koonfur Afrika.

       "Waxay aheyd Abaare 10:30pm Marxuum Gacal waxa ay murmeen Rag burcad Koonfur Afrikan ah fawdo iyo tuuryo ku waday dukaanki isa oo ku yaalla Xaafadda ay dadka Midabka ah degaan ee Erzikh oo masaafo aan sidaasi u fogeyn u jirta Xaafadda Bellville ee M/Cape To wn, markii uu is yiri banaanka u bax ee iska ca naano Ciyaalkaan, ayuu ka warheley Toorey kaga dhacday Luqunta” ayuu yiri Qof ka mid ah Ganacsada Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Koonfur Afrika.

       Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta ba dan ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh Goobaha gan acsi ah, isla markaana ma jirto cid wax ka qab ata dalalkaas, waxaana inta badan la sheegaa inay baaritaano sameeyan Ciidanka Booliska Koonfur Afrika.

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Biixi oo gaaray Itoobiya

    Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Bi ixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo si balaadhan loogu Soo dhaweeyey dalka Itoo biya. Waxaana weftiga halkaasi ku Soo dhaw eeyey wasiirud awlaha arrimaha dibeda Itoobi ya Dr.Aklilu hai le mecheal, wa xaan ay qadar na sasho ah ku qaateen qolka martida ee Airpor tka,  waxaanay uga sii gu dbeen halkii loogu tal ogalay martida madaxw eynaha.

      Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caa lamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon) oo ay wehelinayaan  masuuliyiinta safaaradda Somaliland kuleedahay dalkaan

DF oo ku goodisay in ciidankeeda ay kasoo casheyn doonaan Nayrobi

      Guddoomiye ku xigeenka 1aad ahna ma daxa amniga iyo siyaasadda ee G/Gedo Cis maan Nuur Xaaji oo Shalay warbaahinta kula hadlay M/Beled-Xaawo ee G/Gedo ayaa hanja baad hawada u mariyey dowladda Kenya.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay weerarro ku soo qaadeen ciidamada  dowladda ee ku sugan degmada Beled-Xaa wo, waxuuna ku goodiyey in haddii Kenya ay dhowriweyso derisnimada, weeraradana jooji weyso ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka soo casheyn doonaan M/Nayrobi ee xarunta wadanka Kenya.

      "Dowladda Kenya waxaan u sheegeynaa in aysan sax aheyn weerarrada laga soo arbu shayo saldhigga ciidamadeeda ee Mandheera, madaxda Kenya hadey ku ogtahay, waxaan sa meyn doonaan in halkan aan anaguna weera rro ka arbushno, waan u digeynaa dowladda Kenya derisbaan nahay, waxaan ilaalinaynaa wanaaga, in saldhigyadeeda weerarro nalooga soo qaado mid aan yeeleyno maaha, hadey jo oji weysana waxaan amrayaa ciidankan in ay Nayrobi ka casheeyaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xa aji.

   Hadalka sarkaalkan ayaa ku soo aadaya iy ada oo Dorraad dagaal khasaare geystay uu ka dhacay M/Beled-Xaawo ee G/Gedo, kaas oo u dhaxeeyey sida la sheegay ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka ee dhawaan la geeyey magaaladaas.

      Ciidamada Dorraad dagaalka kooban kula galay Beled-Xaawo kuwa DF waxaa la sheeg ay inay ka soo baxeen deegaan ku yaalla xudu udda Soomaaliya iyo Kenya, hase yeeshee wa xay ahaayeen askar ka tirsan Jubbaland oo maalmo ka hor iskaga baxay Magaalada mar kii loo sheegay in ay D/ Ciidamo geynayso.

Laascaanood oo markii u horeysey yeel anaysa ciidanka Dab-Damiska

       Waxaa Shalay laga dhagax dhigay M/Laa scaanood ee xarinta G/Sool xaruntii laga ma amuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa. 25 dhalinyaro ah ayaa lagu bilaabay inay ka hawl galaan M/Laascaanood kuwaa ka soo baxay boqolaal siyaabo kala duwan lagu soo kala saaray maalinimadii Dorraad.

      Agaasimaha Waaxda hawl fulinta Cabdiqa adir Cumar Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhalinta soo baxday ay yi hiin kuwo hanankara hawlaha looga baahan yahay isagoo intaas ku daray in tabarkii rasm iga ahaa haatan u bilaabmi doono.

      Sidoo kale masuuliyiinta degmada  iyo go bolka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay dhal intan u rajeeyeen kuwo hawshooda ka soo baxa.  Si kastaba ha ahaatee dhalinta weydey shaqadan ayaa dhaliilo badan oo garab taaba sho ay ku sheegeen loo qaatay waxaase taas jawaab ah looma heli karo maadaama dadka imtixaankani qaadayay oo gebi ahaanba aan degaanka ahayn.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya Shir Madaxeedka Afrika

            Gelinka dambe ee Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo Mee-rtada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

            Shirkaan waxaa Soomaaliya u mete-laya Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada kajira dalalka Afrika sigaar ah caqa-badaha kajira wadanka Koonfurta Suudaan.

            Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Maanta shirkaasi ka jeediyo khudbad uu kaga hadli doono guulaha ay gaartay Soomaaliya, muddadii la soo dhaafay, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha u baahan in sida wadajirka ah looga faa’iideysto qaarad ahaan.

            Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi waxaa uu kasii wadi doonaa kulamo kala duwan oo uu la qaadan doono Madaxda ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka wadamada Afrika ee ka socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fuliyey Kenya

            Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku waramaya in Xubno lagu tuhmayo iney Al-Shabaab ka tirsanaayeen ay magaalada Milihoi ee ku taala wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ku gubeen laba ka tirsan gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadadaasi.

            Taliyaha ciidamada booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta The Citizen ee dalka Kenya isaga oo sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen ka hor inta aaney Al-Shabaab u cararin dhanka keymaha.

            Sarkaalkan ayaa sheegaya in marka laga tago baabuurta la gubay aaney dhacdadani sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

            Kooxda weerarka qaadday ayuu taliyaha booliska ee Lamu sheegay iney damacsanaayeen iney weeraraan xarun boolis oo ka agdhoweyd wadada uu dayactirku ka socdo ee Lamu-Garsen.

            Al-Shabaab ayaan weli sheegan weerarkan. Hase ahaatee, waxa ay Al-Shabaab dhowr jeer oo hore ay weeraro ka fuliyeen goobo ka tirsan gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya.


BOGGA CAYAARAHA


Miyuu Sergio Ramos U Qalmay In Kaadhka Cas Oo Toos Ah La Siiyo Kulankii Osasuna? Garsoore Ka Jawaabay.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa nasiib ku lahaa in aan kaadhka cas oo toos ah loo taagin intii lagu jiray qaybtii hore ee kulankii Osasuna.

Garsoorihii hore ee horyaalka La Liga iyo FIFA ee Eduardo Iturralde González ayaa wargayska AS ee magaalada Madrid ka soo baxa u sheegay in ay waajib ahayd in garsoorka VAR ay shaqada soo fara galiyaan isla markaana ay ahayd in Ramos kaadhka cas la siiyo.

Sergio Ramos ayaa taakal xun oo dhibaato wayn u gaysan gaadhay ku galay xidiga kooxda Osasuna ee Rubén Garcia wuxuuna si cadaan ah ugu joojiyay qaybta hoose ee kabtiisa ay mamnuuca tahay in ciyaartoydu ay isku qabtaan.

Garsoore  Jesús Gil Manzano oo dhex dhexaadinayay kulankii Real Madrid iyo Osasuna ayaa lagu eedeeyay in aanu go’aan fiican ka qaadan dhibaatadii uu Ramos u gaystay Garcia iyada oo markaas uu Ramos ka badbaaday ciqaab uu kaadhka cas ku mutaysan karayay.

Markii uu Sergio Ramos goolka u dhaliyay Real Madrid isla qaybtii hore waxay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Spain qorayeen in Ramos uu goolkan dhaliyay waqti ay waajib ahayd in aanu ciyaartaba ku jirin.

Haddaba garsooraha caasimada Madrid degan ee Eduardo Iturralde González oo warbaahinta maxaliga ah inta badan uga kala cadeeya dhacdooyinka maranka keenaya ayaa sheegay in Ramos uu kaadhka cas u qalmay oo ay VAR ahayd in uu arinta soo faro galiyo.

Garsoore hore Eduardo Iturralde González oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: ” Waxaa waajib ahayd in VAR uu soo dhex galo dhacdadii Ramos isla markaana isaga ciyaarta laga saaro. Waa taakal canqowga ciyaartoyga ah oo kaadhka cas ah”.

Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos ayaa door wayn ku lahaa guushii ay kooxdiisa Madrid ka soo gaadhay Osasuna isaga oo waliba dhaliyay goolkii labaad ee ay hogaanka ku qabteen balse kooxda Osasuna iyo dad badan oo kale ayaa aaminsanaa in ayna qalad ahayn in uu ciyaarta ku sii jiray.

Real Madrid Oo Diwaan Gashatay Rikoodh Ayna Waligeed Horay U Soo Arkin Horyaalka.

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Osasuna kulan ka tirsanaa todobaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga iyaga oo gaadhay guul ay u qalmeen.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Isco, Ramos, Vazquez iyo Jovic ayaa Real Madird ku hogaamiyay guul weyn oo 4/1 ah oo ay ka gaadheen kooxda Osasuna.

Kadib guushaas Real Madrid ayaa diwaan gashatay rikoodh taariikhi ah oo ayna wali horay ka dhigin horyaalka La Liga taariikhdeeda.

Rikoodhkaas ayaa ah in Real Madrid 23 kulan oo horyaalka ah laga dhaliyay kaliya 14 gool waana goolashii ugu yaraa ee laga dhaliyay taariikhdeeda horyaalka La Liga marka heerkan la joogo.

ENGLAND - PREMIER LEAGUEFEBRUARY 9

Sheffield United 2 - 1 AFC Bournemouth



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip