Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha Midowga Afrika oo Adis Ababa ka furmaya.

0
Sunday February 09, 2020 - 22:12:12 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha Midowga Afrika oo Adis Ababa ka furmaya.

    Addis Ababa:-Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika. Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa:-Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika. Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a bishan Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hey'adaha Midowga Afrika, hirgelinta Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga Afrika iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka. Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, iyagoona gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, hoggaanka Hey'adaha iyo Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip