Sawirro: Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo si kala gaar gaar loogu soo dhoweeyay Muqdisho

0
Sunday February 09, 2020 - 20:52:03 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo si kala gaar gaar loogu soo dhoweeyay Muqdisho

    Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si kala gaar gaar ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si kala gaar gaar ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaashii hore oo xilligan hoggaamiyo Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin dhowr xisbi ayaa safaro ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana soo laabashadooda maanta ay ku soo aaday, maalin kaddib sanad-guuradii 3aad ee ka soo wareegatay doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo ee labaduba looga adkaaday.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Ahmed ayaa safaro ugu maqnaa dalalka Turkiga iyo Ingiriiska, halka Xasan Sheekh uu dalka Tanzania ugu maqnaa, halkaasoo ay degan yihii qoyskiisa.

Labada Madaxweyne hore ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole iyo xubnaha xisbiyada ay kala hoggaamiyaan.

Madasha uu hoggaamiyo oo ay ku mideysan yihii dhowr Xisbi ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday Muqdisho, iyagoo si weyn u mucaaradayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh
3of 6
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip