Muuse Suudi: Senatorada Puntland cadaalad darro awgeed ayay uga baxeen shirka aqalka sare

0
Sunday February 09, 2020 - 19:14:19 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Suudi: Senatorada Puntland cadaalad darro awgeed ayay uga baxeen shirka aqalka sare

    Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay cadaalad darro awgeed shirka golaha aqalka sare uga baxeen senatorada kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo maanta mid kamid ah laga waayay fadhiga. Muuse Suudi waxa ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay cadaalad darro awgeed shirka golaha aqalka sare uga baxeen senatorada kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo maanta mid kamid ah laga waayay fadhiga. Muuse Suudi waxa maqnaashaha wakiilada Puntland ku tilmaamay mid aan indhaha laga saaban karin loona baahan yahay in wax laga qabto waxa dhaliyay carradooda.

"Saakay Puntland way joogeen hadana hal mid kama fadhiyo shirka. Waxay ka tageen shaqo xumada maanta socota,” ayuu yidhi Senator Muuse Suudi.

Illaa iyo hadda senatorada Puntland kama hadlin sababta ay uga baxeen hoolka aqalka sare iyo cadaalada darrada ay tabanayaan.

Hase yeeshee, bixitaankooda ayaa la aaminsan yahay inuu qeyb ka yahay khilaafka Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya oo meel xasaasiya maraya.


Madaxweyne Deni ayaa codsi u diray dhammaan wakiilada Puntland dowladda federalka inay 15- bisha saddexaad kasoo qeyb galaan shir wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip