Magaca Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka K/afrika.

0
Sunday February 09, 2020 - 18:55:10 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaca Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka K/afrika.

    Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku lahaa Goob Ganacsi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku lahaa Goob Ganacsi.

Dilka Muwaadinka oo loo adeegsaday Tooreey ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Dukaankiisa oo ku yaallay Xaafad lagu magacaabo Erzikh oo ka tirsan Magaalada Cape Town, waxaana durbo loola cararay Xarun Caafimaad, hayeeshee markii la geeyay ayuu geeriyooday.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdulle Gacal, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee Soomaaliyeed ee kunoolaa Koonfur Afrika.

"Waxay aheyd Abaare 10:30pm Marxuum Gacal waxa ay murmeen Rag burcad Koonfur Afrikan ah fawdo iyo tuuryo ku waday dukaankiisa oo ku yaalla Xaafadda ay dadka Midabka ah degaan ee Erzikh oo masaafo aan sidaasi u fogeyn u jirta Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town, markii uu is yiri banaanka u bax ee iska canaano Ciyaalkaan, ayuu ka warheley Toorey kaga dhacday Luqunta” ayuu yiri Qof ka mid ah Ganacsada Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh Goobaha ganacsi ah, isla markaana ma jirto cid wax ka qabata dalalkaas, waxaana inta badan la sheegaa inay baaritaano sameeyan Ciidanka Booliska Koonfur Afrika.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip