Goodax Barre oo ka jawaabay cabashada ardayda Puntland

0
Sunday February 09, 2020 - 09:56:19 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goodax Barre oo ka jawaabay cabashada ardayda Puntland

    Wasiirka wasaaradda waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland. Goodax Barre ayaa marka hore u jawaabay ardayda dhigata iskuulada ku yaalla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland. Goodax Barre ayaa marka hore u jawaabay ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaanada Puntland oo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda. Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka. "Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka". ayuu yiri wasiir Goodax Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay inay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo meeshii ugu sareysay uu gaaray khilaafka waxbarasho ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, mana muuqdo isku dhowaansho ay muujinayaan labada dhinac.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip