Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir weynaha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Aduunka

0
Sunday February 09, 2020 - 09:55:02 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir weynaha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Aduunka

    Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamud Sheikh Xuseen oo ka qeybgalay Shir weynaha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Aduunka oo ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamud Sheikh Xuseen oo ka qeybgalay Shir weynaha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Aduunka oo ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas'uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeyn Wasiirka Cuntada iyo Beeraha ee Dalka Jarmalka Julia Klöckner iyo Madaxa Hay'adda Cuntada Aduunka ee (FAO) Qu Dongyu Iyo Wasiiro Kale Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo in ay gacan ka geystaan dhiirigelinta iyo garab istaagaan wax-soo saarka iyo dhoofinta Cuntada Soomaaliyeed, sida Xoolaha, Dalagga Beeraha iyo Kalluumeysiga, loona baahanyahay in laga taakuleeyo dhinacyada qalabka iyo tababrsiinta si sare loogu qado aqoontooda, ayna ula jaanqaadaan isticmaalka tiknolojiyadda casriga ah ee Horumarinta Wax soosaarka loogu talogalay si uu dalkeeno u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran. Dhinaca kale kulanka Wasiirka iyo Madaxa Hay'adda Cuntada Aduunka (FOA) ayaa waxay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wax soorka Cuntada, lana horumariyo Caafimaadka Xoolaha, Daaqa, Dib u dhiraynta Dhulka laga xaalufiyay Dhirta iyo in si gaar ah loogu kaalmeeyo Dowladda Soomaaliya ka hortagga Ayaxa oo dhibaato ba'an ku haya Deegaanno farabadan oo dalka ka mid ah, kaa soo inta badan aafeeyay dalagyadii ka soo go'ayay beeraha iyo dhulka Daaqsinka ah ee Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ku nool yihiin. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Xoolaha Dowladda Sacuudiga Dr. Hamad Al -Batshaan ayaa waxay isla garteen in la xoojiyo kor uqaadista Dhoofka Xoolaha Soomaliyeed, isla markaana ay sidhow uga wada shaqeeyaan sidii xanibaadda looga qaadi lahaa dhoofka Xoolaha nool ee Soomaaliya waqtiga Xajka ah ee sanadkan 2020.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip