Al-Shabaab oo askar Itoobiyaan baxsad ahaa ku dishay gobolka Bakool

0
Sunday February 09, 2020 - 09:51:49 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo askar Itoobiyaan baxsad ahaa ku dishay gobolka Bakool

    Faah faahinno dheeraad ah ah ayaa ka soo baxaya weerar jid gal ah oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, kaas oo ka dhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahinno dheeraad ah ah ayaa ka soo baxaya weerar jid gal ah oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool. Askarta la dilay oo labo ahaa ayaa lagu soo warramayaa inay ka soo baxsadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha garoonka diyaaradaha ee degmadaasi. Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa kaga hadashay dilka askartaasi. Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in askartaasi ay dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ku khaarijiyeen duleedka Waajid, xilli ay doonayeen inay u talaabaan dalkooda. Sidoo kale warka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadaasi ay ka furteen laba qoray oo sugu jira AK47 iyo midka sam shooter-ka loo yaqaan ee shiishka leh. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay taliska howlgalka AMISOM, gaar ahaan ciidanka Itoobiya ee ka howlgala gobolka Bakool. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada Koonfur Galbeed ayaa weeraro ka fuliya gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip