Barakac ka bilowday degmada Beled Xaawo

0
Saturday February 08, 2020 - 22:32:14 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barakac ka bilowday degmada Beled Xaawo

    Wararka naga soo gaaraya Caawa degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Xaafado ka mid ah degmada ay ka bilowdeen Barakac. Barakaca ayaa yimid ka dib markii ay xoogeystay Khilaafka ka dhex taagan Ciidanka Jubbaland iyo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Caawa degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Xaafado ka mid ah degmada ay ka bilowdeen Barakac. Barakaca ayaa yimid ka dib markii ay xoogeystay Khilaafka ka dhex taagan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee dhawaan la geeyay. Magaalada ayaa waxaa isku horfadhiya Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana maanta ka dhacay Magaalada Iska horimaad. Qaar ka mid ah Waxgaradka Magaalada ayaa xaqiijiyay in dadka ay ka barakacayaan Xaafadaha u dhow xarunta degmada iyo Saldhigga Ciidanka. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledxaawo ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen degmada Baledxaawo. Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dooneyso in ay burburiso maamulka Jubbaland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip