Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo ka hadlay dhacdadii Beled Xaawo iyo hanjabaad uu dowladda u jeediyay

0
Saturday February 08, 2020 - 22:26:45 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo ka hadlay dhacdadii Beled Xaawo iyo hanjabaad uu dowladda u jeediyay

    Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Madaxweyne Kuxigeenka oo muuqaal ka soo muuqday, isagoo ku sugan duleedka Degmada Beled Xaawo ayaa wuxuu she

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Madaxweyne Kuxigeenka oo muuqaal ka soo muuqday, isagoo ku sugan duleedka Degmada Beled Xaawo ayaa wuxuu sheegay inay wax lala yaabo tahay xaaladda uu maanta ku jiro Gobolka Gedo. "Waxaan rabay inaan ka hadlo xaaladda Gobolkan Gedo, waxaa layaab leh maanta xaaladduu ku sugan yahay, heshiiska maanta Villa Somalia ka furan waxa uu kula kacay gobolkan anoo hubo in laga gudbi doono, laakiin taariikh xun ay ku reebi doonto." Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland. Madaxweyne Kuxigeenka ayaa yiri "Maanta waxaa lagu sameeyay qalqal amni, waxaa lagu sameeyay umaddii deganeyd in la iska horkeeno, waxaa lagu sameeyay in laga jeediyo cadowgii kow iyo tobanka sano gobolkan lagula dagaalamayay, oo tuulo walba fadhiya, sidii loo sii ciribtiri lahaa waxaa la saaray cunaqabateen. 28-kii January laga bilaabo diyaaradihii baa laga joojiyay, waa maxay sababta looga joojiyay? Isbitaaladii waa xiran yihiin, shacabkii dawo maleh. Nin aan kartoon dawo ah ku siinayn, hay'adihii caalamka oo dalkan iyo dadkan wax ka qabanaayay oo noo soo gurmadayna qalqal amni iyo qalqal maamul baa lagu sameeyay, waa ka guureen gobolka, garoomadiina waa laga xiray." Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Waayeeladii, umulihii/dadkii dhalaayay iyo shacabkii dhibaato bani'aadanimaa ka dhalatay. Masuuliyadaa cidda leh oo lagula xisaabtamayo dadka gobolkan degan iyo ummada Soomaaliyeed kama qarsoona, Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland-na kama qarsoona." Waxaa uu wax kaloo layaab leh uu ku sheegay ciidamada diyaaradaha looga soo qaaday Magaalada Muqdisho, xilli aanay amni ahayn wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

 

 




"Waxaa weeye waxa layaabka leh ee ka socda, diyaaradaha aad ku soo gureyso ciidamada oo Xamar kaga keenayso, ayadoo Jaziira, Toora Toorow iyo Afgooye iyo Xamar dhexdoodu u baahan in ammaan laga dhigo, oo kow iyo toban sano ka hor meeshii Dowladdii Somaliya xoreysay, oo Dowladdii Somaliya ka dhisan tahay oo Calankii Qaranka ka taagan yahay, maamulkii ka jiro oo Ciidamada Qaranka ka hawlgalayaan in intaad keento aad ammaankii qalqal ku gelinayso, waa maxay sababta?” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaa ku daray "Soo ma ogid inaad bani’aadam tahay, Ilaahayna kula xisaabtamayo, addoomadiisana kula xisaabtamayaan, waa maxay sababta qaranka, shaatiga dowladnimada iyo astaanka qaranka oo Ilaahay ku siiyay aad umaddaan ugu dhibaateenayso? Wax layaab leh weeye.”

Umadda Soomaaliyeed iyo Masuuliyiinta Dowladda ku jira ee sida wanaagsan u fekeraya ayuu kula taliyay inaanay Jubbaland ku fiirsan xaladda adag, ee ay dowladdu gelisay.

"Waxaan ugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed, baarlamaanada labada gole ee Somaliya, oo ku dhaartay inay umaddaan Soomaaliyeed metelaan iyo inta sida fiican u fekereyso oo Somaliya talada ka hayso arrintaa bani’aadanimada gobolka ka dhalatay, ammaankan la qalqal-gelinayo, hay’adahaan dowladda oo la burburinayo iyo nidaamkii dowliga ahaa ee dhisnaa, oo kobcaayay la baabi’inayo inaanay nagu eegan. Maxaa yeelay dowladnimadoodii baa la burburinayaa, qarankoodaa la burburinayaa. Haddii hay’adahaadii dowladda ee federaalkii dhisnaa la burburiyo, haddee qarankaagii baa burburisay.” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay inay si dhow u fiiriyaan waxa ka soconaya Gobolka Gedo, isla-markaana aynaan aqbalin in juhdigii ay Somaliya geliyeen, xilligii burburka dib loo adeegsado burburinta qaybo ka mid ah dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip