Ilyas Mohamud " Waxaa jira halis ah in reer Puntland gaaraan go'aan…"

0
Saturday February 08, 2020 - 18:27:01 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilyas Mohamud " Waxaa jira halis ah in reer Puntland gaaraan go'aan…"

    Soomaaliya waxey ku jirtaa marxalad dowlad dhisid iyo dib u heshiisiin. Weli dalka kama jirto dowlad rasmi ah oo amniga qaranka sugi karta, dhaqaale ahaana isbixin karta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya waxey ku jirtaa marxalad dowlad dhisid iyo dib u heshiisiin. Weli dalka kama jirto dowlad rasmi ah oo amniga qaranka sugi karta, dhaqaale ahaana isbixin karta.

22 kun oo ciidan Amisom ayaa amniga qaranka suga oo xitaa waxey ilaaliyaan madaxtooyada Villa Somalia. Iyada oo xaalladaas lagu jiro in abaabul dagaal oo ku wajahan maamul goboleed Soomaaliyeed oo nabad ah waa ayaandarro weyn dhabtii.

Ciidan ayaa Muqdisho laga qaadayaa waxey dulmarayaan degmooyin ay Al Shabaab haysato, waxeyse ku duullayaan deegaan nabad ah oo madaxda maamulkaa joogta ogol dowladnimada Soomaaliya balse jirto khilaaf aragti kala duwanaansho ah oo wadahadal lagu xalin karo.

Dhanka kale Dowladaha Puntland waxey iclaamisey shir wadashi ah oo ay ku kulmayaan madaxda dowlada Puntland, Xildhibaanada Federaalka u metala iyo waxgaradka kale ee deegaankaas ku nool. Waxaa jira halis ah in reer Puntland gaaraan go’aan ah in ay xubinnimada Dowladda Federaalka ka baxaan. Arintaas waxey horseedi kartaa dib u dhac weyn in uu ku yimaado wadajirkii qaran iyo dowladnimadii Soomaalidu mudada dheer baadigoobka loogu jirey.

Muqdisho iyaduna xaaladeeda waa mid cakiran oo waa magaalo go’doonsan oo amni xumo darteed meel walba jidgooye la dhigey. Ganacsatadii oo canshuurtii lagu badiyey ayaa haddana loo diidey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee bulshada iyo ganacsatada u dhaxeeyey. Hoteeladiina waxaa lagu amrey in kulan ama dood siyaasadeed lagu qaban karin iyadoo Dastuurka dalku banneenayo kulamada iyo doodaha siyaasada.

Siyaasad xumadu waa tii dalkan gelisey dagaal sokeeye iyo in 30 sano mudo ka badan ay dowlad la’aan Soomaaliya ahaato. Haddana isla wadadii ayaa la hayaa.



Albert Einstein ayaa hore u yiri ” Waxaa waali ah in hal ficil ku cel celiso adiga oo doonayo in aad gaarto natiijo ka duwan”.

Albert Einstein: The definition of insanity is doing the same thing over and over and expecting different results.

Ilyas Mohamud Hussein



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip