Xaaf oo ku gacanseyray Warqad kasoo baxday Safiirka Mareykanka

0
Saturday February 08, 2020 - 10:09:18 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf oo ku gacanseyray Warqad kasoo baxday Safiirka Mareykanka

    War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug garabka Gaalkacyo Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa loogu jawaabay war qoraalka oo 5 Feberuary 2020 kasoo baxay Safaarada Mareykan ay ku leedahay Soomaaliya. Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug garabka Gaalkacyo Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa loogu jawaabay war qoraalka oo 5 Feberuary 2020 kasoo baxay Safaarada Mareykan ay ku leedahay Soomaaliya. Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka in ay faragalin ku heyso degaanada Galmudug,islamarkaana ay taageero u muujisay maamul lagu dhisay Afgambi. Xaaf ayaa ka dalbaday dowladda Mareykanka in ay joojiso faragalinta ay ku heyso Soomaaliya, wuxuuna kasoo horjeestay baaq dhawaan kasoo baxay. War kasoo baxay 5-tii Bishaan Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dib u heshiisiin iyo wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Safaaradda ayaa ku boorisay dowladda Federaalka, dhammaan 5 Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Baarlamaanka, iyo saamileyda inay iska kaashadaan sugida amniga in la xaqiijiyo doorasho lagu kalsoonaan karo sanadka 2020/21.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip