Soomaaliya iyo Rwanda oo isku furaya Albaabada ganacsiga

0
Saturday February 08, 2020 - 10:25:18 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Rwanda oo isku furaya Albaabada ganacsiga

    Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal, iyo sidoo kale isku socodka bulshada. Maxamed Cabdulaahi Salad Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo ku sugan dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal, iyo sidoo kale isku socodka bulshada. Maxamed Cabdulaahi Salad Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo ku sugan dalka Rwanda ayaa heshiiskan la kala saxiixday dhigiisa dalka Rwanda, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka faaideysan doonto horumarka ka jira dalka Rwanda. "Aad ayaan idinkugu hanweynahay adinkoo dagaalo sokeeye iyo xasuuq ka soo kabatay haatana heer wanaagsan aad gaarteen,waxaan rajeynayaa in arrintan ay noqon doonto tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca ganacsiga labada dal ay hore u qaadeen,"ayuu yiri Wasiir Salad. "Waxaan hubaa in dhowaan aad arki doontaan ganacsato badan oo Soomaali ah kuwaasoo ku qulqulaya dalkiina si ay u maalgashtaan,adinkana waxaan idinka rajeyneynaa in ganacsatadiina ay Soomaaliya yimaadaan,"ayuu sii raaciyay Wasiirka gaadiidka Soomaaliya. Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip