Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ku baaqay wada-hadal

0
Wednesday February 05, 2020 - 18:54:17 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ku baaqay wada-hadal

    Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ugu baaqay dadka ku nool deegaannada Galmudug inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin,isla markaana ay bilaabaan wada-hadal xal loogu helayo arrimaha ka taagan galmudug. Qoraal dhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ugu baaqay dadka ku nool deegaannada Galmudug inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin,isla markaana ay bilaabaan wada-hadal xal loogu helayo arrimaha ka taagan galmudug. Qoraal dheer oo uu soo saarey Maaxweyne kuxigeenka Galmudug ayuu kaga hadlay marxaladihii loo soo marey dhismaha galmudug,isaga oo u mahad celiyey,Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanaka labaad ee Galmudug.

Waxaa uu qoraalka ku sheegay in si loo helo Galmudug amni ah,horumarsan ay muhiim tahay in la isku iskutanaasulo, la iscaawiyo,shacabkana loo turo si horumar u gaaro Maamulka Galmudug.

Odayaasha,Culimada,Dhalinyarada, Ganacsatada iyo Qurba-joogta ayuu ugu baaqay inay ka wada Shaqeeyaan sidii loo heli lahaa amni buuxa,dhab-uheshisiin iyo horumar taabagalo.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.Marka hore Allah baa mahad leh,waxaan u mahad celinayaa guddigii doorashooyinka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka,Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Baarlamaanka Galmudug ee igu aaminay codkooda.

Waxaan sidoo kale umahad celinayaa hawl-wadeenadii iyo dhamaan intii ololahayga Madaxweyne-Kuxigeen kasoo qeyb qaatay in halkaas lasoo gaara.

Waxaan dhamaan dadweynaha reer Galmudug dhammaantood ka codsanayaa haddey tahay Culumada, siyaasiyiinta,haweenka, dhalinyarada,hoggaanka dhaqanka,ganacsatada, qurba-joogta iyo dhammaan bulshada deegaanada Galmudug inaan kawada shaqeyna sidii aan u heli lahayn amni buuxa,dhab-uheshisiin iyo horumar taabagalo.

Si loo helo Galmudug amni ah,horumarsan waxaa muhiim ah in aan isutanaasulna, iscaawino,shacabkeena u turna ,is dhageysana markastana danta deegaanka ka horumarina teenna gaarka ah.

Waxaan ballan qaadayaa in aanan noqon doonin Madaxweyne kuxigeen bas ah balse aan noqon doona nabadoon isku aruuriyo dhamaan reer Galmudug.


Ballanteenu waa Galmudug oo mideysan,amni ah oo aan horumarina.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip