Dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay dowladda Kenya inay faro galin siyaasadeed ka wado gudaha Soomaaliya

0
Wednesday February 05, 2020 - 18:22:55 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay dowladda Kenya inay faro galin siyaasadeed ka wado gudaha Soomaaliya

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mida amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mida amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay kamid tahay la dagaalanka Argagixisada.


Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen farogalin siyaasadeed iyo qalqal galin amniga oo gudaha ah.


"Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Golaha Amniga iyo African Union ee Ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan Dawladda Kenya u adeegsan Cildamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

DFS waxay hadalkeeda ku dartay in mar waliba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, ayna aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku Jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip