Safaaradda Somaliya oo war ka soo saartay ka bad-qabka Coronavirus ee muwaadiniinta ku nool Shiinaha
Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisay xaalada muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool magaalada Wuhan oo ah magaalada uu ka dilacay Cudurka Coronavirus oo haatan dunida walwal badan ku abuuray.
Qoraal kasoo baxay safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuurgaleen xaaladda caafimaad ee muwaadininta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, isl markaana xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay hadda.
Safaraadda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ay iska warqabaan Soomaalida ku nool magaalada Wuhaan, kuwaas oo taradoodu ay gaarayso 50 qof diplomaasiyiinta Safaaradda, waxii hadda ka dambeeyana ay sii xooji doonaan iska war qabkooda.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka kasoo baxay safaaradda
Safaaradda Somaliya oo war ka soo saartay ka bad-qabka Coronavirus ee muwaadiniinta ku nool Shiinaha
Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisay xaalada muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool magaalada Wuhan oo ah magaalada uu ka dilacay Cudurka Coronavirus oo haatan dunida walwal badan ku abuuray. Qoraal kasoo baxay s