Wasiir Janan oo iskaga baxay Beled-Xaawo kadib waarankii DF

0
Tuesday February 04, 2020 - 20:14:04 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Janan oo iskaga baxay Beled-Xaawo kadib waarankii DF

    Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa la sheegay in goor dhaw uu ka baxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo galinkii hore ee Talaadada maanta ah uu ka degay, kadib markii uu ka soo duulay magaalada Nairobi ee xarunt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa la sheegay in goor dhaw uu ka baxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo galinkii hore ee Talaadada maanta ah uu ka degay, kadib markii uu ka soo duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Dad ku sugan Beled-Xaawo ayaa noo sheegay in wasiir Cabdirashiid uu u baqoolay dhanka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Janan ayaa saacadihii uu joogay Beled-Xaawo waxa uu kulamo la yeeshay sarakiisha, ciidamada, maamulka degmada iyo bulshada ku nool Beled-Xaawo, inkastoo aan faahfaahino dheeraadka laga heyn waxa ay isla meel dhigeen, isaga iyo saraasha ciidamada iyo maamulka degmada oo uu la qaatay kulamo saacado socday, waxuuna markii ay u soo dhamaadeen kulamadaas iskaga baxay magaalada.

Dhinaca kale war maanta ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Booliska ayaa lagu jaray waaran caalami ah oo lagu soo qabanayo wasiir Janan, si baa la yiri cadaaladda loo soo taago, waxaana dhinacyada laga dalbaday inay gacan ka geystaan soo qabashada Janan ugu horeeya Booliiska caalamiga ah ee INTERPOL.

Cabdirashiid Janan ayaa meel uu uga xirnaa magaalada Muqdisho waxa uu ka baxsaday 28-kii bishii dhamaatay ee sanadkan, isagoo wixii intaas ka dambeeyey isku maray magaalooyinka Kismaayo, Nairobi iyo Beled-Xaawo oo maanta uu ka sii baxay.

Isniintii shalay ee 3-dii bishan hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay qabato Cabdirashiid Janan, sla markaana ay u gacan galiso dawladda Soomaaliya si loo maxkamadeeyo, xilligaas oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip