Puntland oo beenisay in qeyb kamid ah ardaydeeda ay shahaado u raadsadeen Muqdisho

0
Tuesday February 04, 2020 - 18:25:52 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo beenisay in qeyb kamid ah ardaydeeda ay shahaado u raadsadeen Muqdisho

    Wasaaradda waxbarashada Puntland, ayaa maanta beenisay war ku saabsan 150 arday oo shalay u ambo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay shahaado u doonteen dowladda federalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda waxbarashada Puntland, ayaa maanta beenisay war ku saabsan 150 arday oo shalay u ambo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay shahaado u doonteen dowladda federalka Soomaaliya.
Agaasimaha tacliinta sare ee Puntland, Maxamed Axmed Warsame Shirdoon oo saxaafada shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in ardaydaas ay yihiin arday deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga oo ay ufududeeyeen wasaaradda iyo shirkad gaar ah.

Shirdoon waxaa uu uu nasiib darro ku sheegay in laga been sheego ardaydaas oo lagu tilmaamo in ay Muqdisho ugu safreen si ay dowladda federalka uga qaado imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare kadibna u siiso shahaado.


Dhinaca kale Shirdoon, waxaa uu dowladda federalka ku eedeeyay inay afduubatay deeqo waxbarasho oo laga helay dalalka China, Rushia iyo Hindiya.

Maalinta berito ayaa la filayaa inay Puntland yimaadaan wafdi xildhibaanno ah oo maalin ka hor magaalada Muqdisho ka dalbaday in la qaado cunoqabataynta la saaray shahaadada ardayda reer Puntland ee ay matalaan.



xigasho;hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip