Xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka Somaliland oo is-casilay

0
Monday February 03, 2020 - 20:33:22 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka Somaliland oo is-casilay

    Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in uu is-casilay wakiilkii xisbiga UCID ee mucaaradka ah u qaabilsanaa guddiga doorashooyinka ee Somaliland Xasan Yuusuf Ducaale. Is-casilaadda xubintan ayaa waxaa Warbahinta u xaqiijiyay madaxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in uu is-casilay wakiilkii xisbiga UCID ee mucaaradka ah u qaabilsanaa guddiga doorashooyinka ee Somaliland Xasan Yuusuf Ducaale. Is-casilaadda xubintan ayaa waxaa Warbahinta u xaqiijiyay madaxda xisbiga UCID. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu soo jiitamayay muranka ku aaddan dhismaha guddiga doorashooyinka, kaas oo ay hore uu u qaadacay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Is-casilaadda xubinta UCID ka dib waxaa guddiga doorashooyinka isugu soo haray xubnaha ay soo kala magacaabeen, Madaxweynaha, Golaha Guurtida iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye… Dhammaystirka dhismaha guddiga doorashooyinka ayaa ahayd caqabadda ugu weyn ee hortaagan qabashada doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka, waxaana hore ugu taliyay in la kala diro ergada dhexdhexaadinta oo ku talisay in la soo celiyo guddidii hore. Beesha caalamka ayaa iyaguna dalbanayay in la fuliyo talada ay soo jeediyeen ergada dhexdhexaadinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip