Magacyada musharaxiinta ku tartamaya doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb

0
Sunday February 02, 2020 - 10:12:01 in Wararka by
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada musharaxiinta ku tartamaya doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb

    Illaa iyo hadda inta la'ogyahay sagaal musharax ayaa loo diiwaan-geliyay inay ka qayb qaataan Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ee maanta lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb. Jegada Madaxweynaha ayaa w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaa iyo hadda inta la'ogyahay sagaal musharax ayaa loo diiwaan-geliyay inay ka qayb qaataan Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ee maanta lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb. Jegada Madaxweynaha ayaa waxaa u taagan afar musharax oo kala ah Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Axmed Shire Maxamed (Falagle), Cabdiraxmaan Aadan Sabriye iyo Axmed Cabdullaahi Samatar. Sidoo kale shan musharax ayaa u taagan jegada Madaxweyne Kuxigeenka, kuwaa oo kala ah Cali Daahir Ciid, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Cabdikhani Sheekh Cali Diini, Axmed Yuusuf Warsame (Taajir) iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi. Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Galmudug ee garabka dowladda ayaa codkooda ku soo saari doono Madaxweynaha xigga Galmudug iyo Kuxigeenkiisaba. Goobta lagu wado inay ka qabsoomto Doorashada Madaxtooyada Galmudug ayaa ah Xarunta Shirkoole, waana goobtii 17-kii bishii hore ee January lagu soo doortay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Doorashadan ayaa waxaan ka qaybgeli doonin midowga musharaxiinta, ka dib markii aan waxba laga qaban talooyinkii ay ka soo saareen khilaafka wiiqay doorashadan. Midowga musharaxiinta oo afar xubnood gaaraya ayaa horey u soo jeediyay arrimo ay ka mid yihiin in la mideeyo Guddigii Doorashada Madaxtooyada ee kala qaybsamay iyo in dib loo dhigo doorashada, si ay fursad ugu hellaan inay la kulmaan Xildhibaanada. Dad badan ayaa waxay sii saadaalinayan in Xildhibaanadan ay Madaxweynaha Galmudug u dooran doonaan musharax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), oo lala xiriiriyo Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip