HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 2-FEB-2020

0
Sunday February 02, 2020 - 09:55:25 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 2-FEB-2020

    Farmaajo Oo Doonaya In Wadahadalada Lagu Furo Kulan Dhex Mara Labada Mad axweyne Iyo Biixi Oo Ka Gaws Adaygaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C//Farmaajo, ayaa doonaya inay Madaxwey naha JSL Muuse Biixi Cabdi yeeshaan kulan toos ah si dib l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo Oo Doonaya In Wadahadalada Lagu Furo Kulan Dhex Mara Labada Mad axweyne Iyo Biixi Oo Ka Gaws Adaygaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C//Farmaajo, ayaa doonaya inay Madaxwey naha JSL Muuse Biixi Cabdi yeeshaan kulan toos ah si dib loogu furo wada hadaladii lab ada dhinac . Laakiin Madaxweyne Biixi ayaa isna doonaya in dib loo dhigo kulanka laba da madaxweyne oo wada hadalada lagu bila abo ergo ka kala socota labada dal. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, Madaxweyne Farmaajo wuxuu u sheegay wufuud ka socotay dalalka wada hadalada dabada ka riixaya ee Turkiga iyo Sweden in wada hadalada lagu furo kulanka labada Madaxweyne, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa isna u sheegay ergadan inaanu Farmaajo daacad ka ahayn wada hadalada, balse uu doonaya inuu samaysto kaadh uu ku galo ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo horaanta kal dambe qoonda ysayn inay qabsoonto, waxaanu Madaxwey ne Biixi doonayaa in wada hadalada lagu bil aabo inay is arkaan ergo ka kala socota Har geysa iyo Muqdisho. Waxase u kala dab qaadaya labada Mad axweyne diblomaasiyiin ka kala socota Swe den iyo Turkiga iyo xarunta xalinta khilaaf aadka dunida ee 'The center for humanitar ian dialogue', kuwaas oo doonaya in la isugu yimaado meel dhexe si ugu yaraan loo bil aabo wada hadalada hakadku ku yimid mar kii uu Madaxweyne Farmaajo talada Soom aaliya qabtay. Geesta kale, wargeyska Indian ocean ne wsletter, ayaa cadadkiisiis Dorraad qoray in Midowga Afrika ka diiday dalka Turkiga inuu goob-jooge ka noqdo wada hadalada Somal iland iyo Soomaaliya, waxaanu Midowga Afr ika doonayaa inuu gadhwadeen ka noqdo wada hadalada, balse aanu marti uga noqon Turkiga. Si kastaba ha ahaat, dalal badan ayaa dabada ka riixaya in dib loo furo wada had alada labada dal oo uu Turkigu intooda ba dan martigeliyay.Xigasho:-Geesguud. com

Maxkamadda sare ee Kenya oo diiday in Kenya ka laabato dhegaysiga dacwada badda ee hortaala ICJ

     Maxkamadda sare Kenya ayaa meesha ka saartay codsi ah in laga mamnuuco Ke nya inay ka qeybgasho kiiska horyaala max kamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ)  oo ku saabsan muranka badda la leh ee Soo maaliya.Garsoorayaasha maxkama da Sare ayaa sheegay bishii octobar ee sanadkii ho re in ay maxkamada codsi usoo gudbiyeen Koox 20 qof ka kooban oo u ololeynayay in Kenya aysan wakiilo u dirsan dhageysiyada dacwada badda ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi.

      Kooxdaan waxay ku doodayeen in kiisk aasi u horseedi karo in ay Kenya  lumiso qe ybo kamid ah dhulkeeda dastuuriga ah iyada oo aan afti loo qaadin sida uu farayo das tuurkooda.  Balse, maxakamadda sare wax ay sheegtay in kiiskaas lagu xallin doono hab diblomaasiyadeed, sharci dejin, siyaa sad iyo faragalin kale, halkii laga gaari lahaa go’aan dastuuri ah.

      Taasi waxay ka dhigan tahay in Kenya aysan ka laaban doonin dacwada kiiska badda. Dacwada muranka badda ayaa loo farriisandoonaa bisha June ee soo socota, waxaana la filayaa inay noqo fadhigii ugu dambeeyay ee go’aan looga gaaridoono khilaafka baddeedka labada dowladdood.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dag aal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

      Wararka aan ka heleyno duleedka M/ Kismaayo ee Xarunta G/Jubbada Hoose  ay aa waxaa ay sheegayaan in halkaas Shalay aroortii hore uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Cabdalla Bir oole ee duleedka Kisma ayo, kaasi oo u dhexeey ay laba Maleeshiyo bee leed oo halkaas wada dega, waxaana ka dha shay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dha awac.

      Ugu yaraan laba ruux ayaa dagalkaas ku dhintay, halka 5 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana Meydadka iyo dadka dhaa wacmay la geeyay Isbitaal ku yaalla Maga lada Kismaayo.

      Wararka ayaa intaas kusii daraya in dag aalkii Shalayy ka dhacay deegaanka Cabdal la Biroole ee duleedka Kismaayo uu salka ku haayo aanooyin qabiil, waxaana maalm ihii lasoo dhaafay la sheegay in halkaas ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

      Inta badan deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xiliyada qaa rkood ka dhaca dagaalo salka ku haaya aan ooyin qabiil, kuwaasi oo sababa Khasaaro oyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gacal oo faahfaahiyay Doorashada Mada xweynaha iyo Madaxweyne ku xige enka Galmudug

        Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmud ug Dr Maxamed Nuur Gacal sheegay in doo rashadda Madaxweynaha ku xigeenkiisa ay ku dhici doonto xilligii loogu tala galay.      Waxaa uu ku Wargaliyay Xildhibaanada Ga lmudug in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay Maanta dhici doonto si daas darteed xildhibaanada looga baahan yahay dham maantood in ay soo xaadir aan.    Waxaa uu sheegay in doorashada ay ka soo qeyb gali doonaan xubno ka soc dodow ladda dhexe ee Soo maaliya.

      Doorashadda  ka dhaceysa Dhuusa mar eeb ayaa noqon doonta tii 3aad oo Madaxw eyne lagu doorto, waxaa labo Madaxw eyne iyo labo baarlamaan ay kula sugan yih iin Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaal kacyo.

Ammaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay Xalay

     Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya Ciidamo dhe eraad ah ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMiSOM Xalay la dhigay wadooyinka soo gala goobta ay ka dhacayso doorash ada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xig eenka maamulka Galmudug.

Waxaa sidoo kale Xaafaddaha Magaalada lagu arkaya Ciidamo aad u hubeysan, isla markaana hubina ya gaadiidka dadweyna ha. Qaban qaabadii u gu dambeysay ayaa Xalay laga dareemayaa bartamaha M/Dhuu samareeb, iyadoona howlgalo culus ay Xalay ka socdaaan Magaalada Dhuusamar eeb.Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmud ug Dr Maxamed Nuur Gacal sheegay in door ashadda Madaxweynaha ku xigeenkiisa ay ku dhici doonto xilligii loogu tala galay.

Waxaa uu ku Wargaliyay Xildhibaanada Gal mudug in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay berrri dhici doonto sidaas dar teed xildhibaanada looga baahan yahay dha mmaantood in ay soo xaadiraan.

Somaliland oo u digtay xubnaha Beesha Caalamka

       Maamulka Somaliland ayaa Beesha Ca alamka uga digtay in ay gobolka ka sama yso wax faragalin ah oo wax u dhimi karaya qaranimada Somaliland. Wasaaradda arrima ha dibada Somaliland oo Shalay soo saartay war-saxaafadeedkan waxay beesha caalamka ugu ba aqday inay noqoto dhex dhexaadiye daaca dnimo iyo xaglin la’aan ku shaqeeya,iskana ilaaliso mawqif kaste oo khatar galinaya nab adgaliyada iyo xasil oonida gobolka geeska Afrika.

     Waxay Somaliland war-saxaafadeedkee dan kaga jawaabaysay war-murtiyeed 28 kii Jeenawari ay soo saareen hay’adaha caal amka ee lagu magacaabo saaxibada Soom aaliya oo ay Baarlamaanka Soomaliya ugu baaqayeen in uu xal ka gaadho qaabka iyo sharciyada ay doorashada Soomaaliya ku gali doonaan xildhibaanada Somaliland mat

 alaya.


Dowladda Somaliya Oo Daah-Furtay Ol ole Muhiim U Ah Dib U Eegista Dastuurka

      Waxaa Shalay M/muqdisho ka bilowday ololaha wacyigelinta ee dib-u-eegista das tuurka kasoo ay Wasaaradda Arrimaha Dast uurka hogaamineyso.

      Shirkii ugu horeeyay ee ololaha Shalay waxa kasoo qaybgalay qaar kamid ah dha linyarada iyo saxaafadda isaga oo socon doona seddexda cisho ee soo socta.

Agaasimaha  Waaxda Wacyigelinta Dadwe ynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo shirka ujeedadiisa ka hadlay ayaa shee gay in Wasaaradda ay Shalay si rasmi ah u bilowday ololaha kasoo la gaarsiin doono dhamaan gobolada.

        Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saaalax Axmed Jaamac oo si rasmi ah u fur ay ololaha ayaa ku booriyay dhalinyarada ka qeybagleysa in ay aad ula socdaan ololaha si ay xog-ogaal ugu noqdaan dhameeystirka dastuurka.

      "Waxa aan aad ugu faraxsanahay in ma anta qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliy eed aan ku bilowno furitaanka ololaha, waxa an dooneynaa in aan wacyigiina kor u qaad no si aad ula socotaan howlaha lagu dha meeystirayo dastuurka islamarkaana aad talo ugu yeelataan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in aad ra’yigiina ka dhiibataan”.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay in olo lahan la gaarsiin doono dhamaan dowlad go boleedyada iyo Gobolka Banaadir si kor loogu qaado wacyiga dadka ee ku saabsan dastuurka islamarkaana loo dhageeysto talooyinkooda.

Puntland oo bilowday dadaallo looga hort agaayo cudurka Corona Virus

         Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa Shalay oo Sabtiya garoonka diyaar adaha General Mohamed Abshir ee caasim adda Garoowe ka daahfurtay, baaritaanka dadka ka imaanaya dibada, si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay.

       Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Pun tland, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa koox caafimaad ah gee yay garoonka diyaaradaha, si baaritaan loo gu sameeyo dadka garoonka imaanaya ka na imaanaya dalka dibadiisa. Dadka ayaa la ga baarayaa cudurka Corona Virus.

        Baaritaanka ayaa lagu bilaabay diyaar ada Itoobiya Airline oo rakaabkii saarnaa dhamaantood la mariyay screening lagu oga anayo xaaladooda caafimaad.

      Wasiirka Wasaaradda Puntland Jamac Farax Xasan ayaa ka hadlay sida baarit aanku u socdo "waxaan rabaa inaan shacab ka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro cudurka Corona Virus” ayuu yiri Wasiirka.

      "Waxaa wasaaraddu diyaarisay, kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad, oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diy aarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.” Ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Falastiin Oo Shaaciyay Inuu Xiriirka U Jaray Maraykanka

      Mahmoud Cabbaas Abu Maazin Madax wqeynaha Falastiin ayaa si cad u sheegay inuu xiriirka u jaray dawlad da Maraykanka, isla markaa na uu ka tanaasulay dhama an wada hadaladii uu Maray kanka kula jiray, maadaama uu ogaaday in Maraykanku uusan daacad ka ahayn arrinta Falastiin.

      Cabbaas ayaa hadalkaan ka sheegay shir deg deg ah oo wadamada Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, shirkaas oo looga arrinsanayo tallaabada Maraykanku qaaday ee ku saab san arrimaha Falastiin.

     Maxamuud Cabbaas ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in kulamo badan la qabto si loogu wargeliyo bulshada Carabta mowqifke ena ku aadan sidii aan uga hor tagi lahayn qorshaha Mareykanka ee arrimaha Falastiin.

"Waxaan farriin u diray dhinacyada Marayk anka iyo Israell, waxaana idiin sheegayaa la ga bilaabo Shalay wax xiriir ah oo inoo dhe xeeya ma jiraan, oo ay ku jiraan cilaaqaad ka dhinaca nabadgelyada, maadaama Donald Trump uu dhankiisa ka baxay heshii syadii aanu wada galnay” ayuu yiri Maxam uud Cabbaas Madaxweynaha Falastiin.

Md. Biixi oo xafiiskiisa ku qaabley Safiir ka M/Yurub u qaabilsan Soomaaliya

       Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabi lsan Soomaaliya Amb. Nicolas Ber la nga Martinez, kaasi oo maalma han ku sugnaa magaalada Harg eysa.

       Sida war-saxaafadeed lagaga hadlayo kulankooda ayaa la sheegay in lagaga wad da hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayn eed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada had lay taageerada ay beesha caalamku ka geys ato horumarka arrimaha bulshada, doorash ooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoo ndada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horum arineed.

       Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa hor umarka iyo amniga guud ee mandaqadda ge eska Afrika. Safiirkan ayaa hore ula kulmay xisbiyada mucaaradka ah, waxaanay war arku sheegayaan in arrinta ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlay kulan ay tahay arri maha doorashooyinka iyo soo afjarida khila afka guddida doora shooyinka oo uu mad axweynuhu hore u sheegay in dhamaad ka bisha Janaayo la dhamayn doonno khil aafyada guddida doorashooyinka sida xisbi yada mucaaradku sheegeen.

        Dhinac kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdil aahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday hay’adda UNCDF oo u qaabilsan adduunka horumarinta dhaq aalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaam inayey David Jackson oo ah agaasimaha gu ud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya dhinaca dhaqaalaha.

      Waxaana kulankaasi lagaga wada hadl ay horumarinta dawladdaha Hoose ee JPL G-ga, waxaanu madaxweyne ku xigeenku warbixin ka siiyey madaxa weftiga halka uu marayo horumarinta dhaqaalaha dawladda ha hoose ee Somaliland oo ay taageerto hay ’addani, isagoo uga mahadceliyey doorka hay’addaha UN-ku ay ka qaataan ka midho dhalinta barnaamijka JPLG guud ahaan iyo khaasatan doorka horumarinta dhaqaalaha ee ay hay’adda UNCDF ay ka taageerto Da wladdaha hoose ee Somaliland.

      Iyadoo aad loogu lafo-guray balaadhinta barnaamijkan si loo wada gaadho degmo doorashooyinka dalka mustaqbalka iyo sidii fiiro gaara loo siin lahaa caasimada dalka, waxaanu madaxweyne ku xigeenku u cad deeyey masuuliyiintaasi in qaybtii kaga aada nayd dawladda a Somaliland ay dhinaceeda bixisay, gobolada bariggana ay ka bilowday barnaamijka JPLG.

       "Waxaa la isla qaatay in xukuumadda iyo hay’adda UNCDF ay si wada jira uga wa da hawlgalaan kobcinta dhaqaale ee lagu horumarinayo barnaamijkan dawladaha hoo se.Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey kulanka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska JPLG-ga u qaabilsan Madaxweyne ku xigeenka Somalil and.”ayaa sidaas lagu yidhi war-saxaafade ed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka.

      Dhinaca weftiga UNCDF-na waxa ku wehelinaayey agaasimaha UNCDF, Dmitry Pozhidaev oo ah masuulka xafiiska geeska Afrika u qaabilsan hay’adda, Anka Kitunzi oo u qaabilsan Xidhiidhka hay’adda Somaliland iyo Soomaaliya iyo masuuliyiinta xafiiska So maliland ay ku leedahay Hay’addu.


Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in la dejiyo Xaaladda Galmudug

     Xubnaha Golaha Aqalka Sare Baarlama anka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankooda 34aad ee kalfadhiga 6aad ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay go ob joog ahaayeen Guddom iye Ku-xigeenka 1aad Aqal ka Sare Senatar Abshir Ma xamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Golaha Aqalka Sare ee Senatar Mow lid Xuseen Guhaad.

       Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka dood ista Akhrintii 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka  heer Federaal.

        Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa gud aga lay ka doodista qodobada Hindise Shar ciy eed Dooroshooyinka Qaranka  heer Fe deraal, iyagoo fikirkooda ka dhiibtay, soona jeediyay in la caddeeyo qoondada haween ka ee 30% si kaalinta dumarka ay u noqoto mid muuqato, isla markaana aysan noqon mid gor gortan gasha.

      Md.Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoom iyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u jee diy ay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha bu lshada Galmudug in ay xaaladda dajiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Maraykanka oo xayiraadaha socdaalka la xiriira kusoo rogay illaa lix waddan oo kale

       Aqalka Cad ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu xayirayo soogalootiga ka imanaya lix waddan oo cusub, oo afar ka mid ah ay yihiin waddamo Afrikaan ah. Tila baadaan uu aqalka cad ee Maraykanka loo ga taliyo  ku dhawaaqay ayaa horey muran badan iyo dhaleec ayn u dhalisay.

Mareykanka ayaa xa nnibi doona muwaa diniinta kasoo kala je eda Ereteriya, Kyrgyz stan, Myanmar iyo Nigeria, waxaana laga mamnuucidoonaa in ay dalbadaan fiisooyin ay deganaansho rasmi ah kaga heli karaan Mareykanka, sida ku xusan sharciga cusub ee la filayo inuu dhaqan galo 22-ka Febr aayo.

      Sidoo kale, muwaadiniinta laba dal oo ka la ah Suudaan iyo Tansaaniya, ayaa laga xa kamayn doonaa inay ka qaybgalaan barnaa mijka bakhtiyaa-nasiibka fiisaha ee si aan kala sooc lahayn u siiya kaararka cagaaran muhaajiriinta ka imaanaya waddamadooda   sannad walba.

      Aqalka cad ee Mareykanka ayaa war qor aal ah oo ay soo saareen ku sheegay in wad amada cusub ee la mamnuucay ay buuxin waayaan shuruudaha amniga qaranka Mar eykanka.

       Dhanka kale, xayiraadaha cusub ayaan quseyn dalxiis, ganacsi, ama safarro kale oo aan soogalootin ahayn oo ka socda wad damadaas, sida lagu yiri bayaanka.

     Wadamada cusub ayaa lagu dari doonaa liiska toddobo wadan, oo badankood yihiin Muslimiin aqlabiyad ah, oo wajahaya xayira adii safarka ee maamulka Trump uu soo saa ray sanadkii 2017.

       Dadka u dooda xuquuqda soogalootigu ayaa cambaareeyay xannibaadahan ugu da mbeeyay, waxayna ugu yeereen Xanibaad da Afrika. Tallaabadan ugu dambeysay ayaa loo arkaa calaamad kale oo ah in Ma reykanka uu albaabada u laabay muhaajiriin ta ku hoos nool maamulka Trump.

Iskuulada Gaarisa Oo Xirmay Iyo Macalim iintii Oo Ka Cararay Weerarada Al-Shabaab

     Kadib markii ay kordheen weerarada dag aaalamayaasha Al-shabaab ay ka fulinayan gudaha dalka Kenya ayaa wa xaa la sheegay in geb ahaan Albaa bada loo laabay Iskuu ladii ku ya alla Gobolka Gaa risa.     Waadiliinta kunool Gobolka Gaarisa ee Caruurtooda wax ka bartaan Iskuulada ku ya alla halkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay Caruurtooda ay kala baxayaan Iskuul ada ilaa iyo inta dowladda Kenya ay xal uga hel eyso macallimiinta wax ka dhiga halk aas.Guddiga Macallimiinta Kenya ee TSC ayaa sheegay isbeddellada lagu sameynayo Macallimiinta in ay abuurayso kala qeybsa naan, islamarkaana sahleyso in ay u gacan galaan Al-shabaab.

     Warar la helayo ayaa waxaa ay sheeg ayan in Gobolka Gaarisa ay isaga carareen in ka badan 30 Macalin oo wax ka dhigi jiray Iskuulo badan oo ku yaallay Gobolkaas, wax aana sababta ugu weyn ay bixitaankooda lagu sheegay inay tahay, kadib markii Al-sha baab ay weerar ku dileen saddex Macalin. Si kastaba Al-shabaab ayaa weerar kala duw an ka geysa deegaano ka tirsan Kenya, wax aana weeraradaas ka dhashay Khasaaroo yin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxaa Isbedel Ku Imaan Doono Ka Bixi sta UK Ee Midowga Yurub?

    Janaayo 31-keeda ayaa ah waqtiga loo asteeyay in ay isaga baxdo Uk Midowga reer Yurub ka dib 47 sano oo ay xubin ka ah ayd , go’aankaasi waxa uu keenayaa isbada llo waa weeyn oo ku yimaada wax yaabo ba dan oo ay ka mid yihiin :

     Biritin waxa ay weyndoontaa kuraastii ay ku lahayd Baarlamanka Midowga reer yurub

Waxaa meesha ka bixi doonta ka qeeyb galkii Briting ee shirarka guud ee midowga reer yurub Waxaa billaaban doona wadahad alo rasmi ah oo dhex mara Ingiriiska iyo Mid owga reer Yurub Waxaa is baddali doona Midabka Baasaboorka Ingiriiska

      Waxaa albaabada la’isugu dhufan doo naa xafiiskii maamulayay howlaha ka bixista Biriting ee Midowga reer yurub Jermalka Mu waadiniintiisu uma tarxiili doono Ingiriiska haddii lagu tuhmo falal dambi ah

       Dhanka kale waxaa jiri doona wax yaa bo kale oo iyana wax is badal ah aysan ku immaan doonin sida : Safarka la’isaga kala goosho Ingiriiska iyo Waddamada Midowga reer yurub

      Rukhsada ka xeeynta gaadiidka side eda ayay ahaan doontaa oo wax isbadal ah kuma immaan doonaan

    Kaararka caafimaad iyana sidooda ayay ahaan doonaan oo isabdalka ma saameeyn doono Degenaanshaha Muwaadiniinta ingirii sku waxba iskama badali doonaan oo waxa ay ku noolaan karaan halkii ay doonaan oo Yurub ah

Xukuumadda ingiriisku waxa ay sii wadi doo ntaa bixinta miisaaniyadda Midowga reer yurub inta lagy guda jiro waqtiga kala guurka ah    Ganacsiga ka dhexeeya Midowga reer yurub iyo Ingiriiska waa uu sii socon doonaa isaga oo aan wax isbadal ah ku immaan

Dhammaan wax yaabahan oo dhan ayaa dhaqan galaya xilli Shalay Dowladda ingiri iska ay macsalaameeysay Midowga reer yur ub 47-sano ka dib oo ay xubin buuxda ka ahayd .

Khilaaf soo kala dhex galay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’ad Turki oo maamu sha Isbitaal ku yaal Muqdisho

    Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku ca ddeysay inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgelin oo kala dhaxeeyo Hey’adda Yadi meli oo maamusha Isbitaalka Yardimeli oo ku yaakla degmada Xamar jajab, agagaarka Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in shaqada hey’addaas ka wado isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u degan.

   Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ay aa sheegtay inay mas’uul ka tahay dhamma an adeeg bixinta caafimaadka dalka cidka kasta oo aan u heysan ogolaansho shaqo is kama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon larta wasaaradda caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafima adka iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed

   Halkan hoose ka akhriso Wasaaradda Caafimaadka

XIGASHO:JOWHAR.COM



BOOLISKA HINDIYA OO DILAY NIN CARRUUR AFDUUBTAY


     Nin u dhashay dalka Hindiya oo xaflad dhalasho oo been abuur ah u sameeyay gab adhiisa hal sano jirka ah, kaddibna afduub tay in ka badan 20 carruur ah, ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.

     Warbaahinta maxalliga ah ayaa waxa ay ninkaasi ku sheegeen Subhash Batham kaas oo lagu eedeeyay inuu dil gaystay has ayeeshee damaanad bannaanka ku joogay.

     Dadka ku nool degmada Farrukhabad ee gobolka Uttar Pradesh ayaa markii dambe waxa ay garaac naftii kaga jareen xaaskii nin kaasi.

     Booliska ayaa iskudayay inay wadahadal la galaan 10-kii saacadood ee uu is afg aranwaaga kahor inta aanay dhismaha xoog ga ku galin.

      Ninkan carruurta afduubtay ayaa ku dhin tay rasaastii la iswaydaarsanayay. Hasayee shee dhammaan carruurtii uu haystay oo da 'doodu ay u dhaxaysay lix bilood ilaa 15 san adood ayaa iyagoo badqaba la soo badb aadiyay.

     Xaaska Batham oo aanan magaceeda la sheegin ayaa markaas kaddib la weerraray mar ay iskudayaysay inay goobta ka baxsa to. Booliska ayaa sheegay in dadka ay hawe enaydaasi la dhaceen dhagxuun iyo bulike etiyo.

      "Madaxa ayey ka dhaawacantan waana ay dhiigbaxaysay markii isbitaalka la gayna yay," Mohit Agarwal oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa sidaasi u sheegay         taleefishinka Hindiya laga daawado ee NDTV.

Haweeneyda ayaa markii dambe u geer iyootay dhaawacyada soo gaaray. Mana ay cadda inay ku lug lahayd afduubashada carruurta iyo inkale.

      Dadka xaafadda iyo booliska oo ku su gan afaafka hore ee dhismaha carruurta la gu haystay

      Deepak Kumar Srivastava oo ah weriye deegaankaas ku sugan ayaa BBCda u she egay in dadka deegaanku ay habeenkii arga gax ku joogeen guryahooda.

"Dadka xaafadda oo dhan waa ay cabsanay een mana aanay jirin cid seexatay. Qofkasta waxa uu ka walwalsanaa badqabka carr uurta.

      "Boolisku waxa uu muddo dhowr saaca dood ah iskudayayay inuu ku qanciyo inuu isdhiibo. Waxa ay u yeerteen ciidammada gaarka ah markii iskudaygaas uu guuldarr aystay," ayuu yiri.

       Batham ayaa carruurta waxa uu ka soo casuumay tuuladiisa Farrukhabad si ay uga qeybqaataan xaflad dhalasho oo uu u sameeyay gabadhiisa. Hasayeeshee halkii uu xaflad u qaban lahaa carruuurta ayuu iya gii oo dhan ku afduubtay gudaha dhismaha.

"Waxa uu rumaysnaa in dadka deegaanka ay mas'uul ka ahaayeen xarigiisa la xiriiray kiis dil, oo waxa uu doonayay inuu aargoo sto," Mr Srivastava ayaa intaas ku daray.

Hal canug oo lix bilood jiro ayaa loo ogola aday inuu dhismaha ka baxo, taasna waxa ay dhacday markii Batham uu balakoonka u ga dhiibay qof dariska ah, todoba saacad ood kaddib markii uu carruurta afduubtay.

       Booliska oo muddo saacado ah ku wa reegsanaa guriga

      Markii dadka dariska ah ay mas'uuliyiinta u sheegeen waxa dhacay waxaa goobta yim id booliska, markaasna waxa uu ninkii bil aabay inuu guriga rasaas ka soo rido.

"Markii la ogaaday awooddiisa uu wax ku toogan karo iyo cabsigelinta ah inuu bamb aano adeegsan doono, ayaa dhammaan saraakiisha sarsare ee booliska waxa ay go'aansadeen in ninka la weerraro," ayuu yiri madaxa booliska gobolka Uttar Pradesh, Om Prakash Singh.

"Waxaannu isku daynay inaan guriga gud aha u galno…Subhash waxa uu ku dhin tay israsaasayntii."

Inta ay socotay israsaasaynta ayaa waxa uu dhaawac soo gaaray ninkaasi xaaskiisa, la ba boolis ah iyo qof meesha taagnaa.

Sida lagu daabacay warbaahinta India Tod ay, Batham ayaa xilli hore waxa uu xaak imka deegaanka u diray warqad uu kaga ca banaayo inuusan haysan musqul iyo tas-hiilaad kalaba, waxa uuna sheegay in loo diiday guryaha dowladda.

      Waxa uu sheegay inuu yahay shaqaale ayna guriga u joogto hooyo xanuunsan oo ay tahay inay bannaanka ku xaajo-gudato.

Inta uu socday weerrar saacadaha qaatay, ayaa dhowr taleefishin waxa ay Batham ugu baaqeen inuu la soo xiriiro haddii uu doo naayo in waxyaabaha uu dalbanaayo ay ta hay inay dowladda ama mas'uuliyiintuba siiyaan.

XIGASHO:BBC


SHIRKADDA WHATSAPP OO JOOJINAYSA INAY KU SHAQEYSO MALAAYIIN TALEEFOON


Barnaamijka ay dadka isugu diraan farriimaha ee WhatApp ayaanan ku shaqeyn doonin malaayiin taleefan laga bilaabo 1-da Febraayo.

Taleefannada ay soo saaraan Android iyo iPhone ee ku shaqeeya barnaamijta uu waqtigoodu dhacay ayaanan ku shaqeyn doonin bartan ay leedahay shirkadda Facebook.WhatsApp ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan noqotay si loo xaqiijiyoo ammaanka dadka bartaasi isticmaalaya.

Taleefannada qaaliga ah ee ku shaqeeya barnaamijka Android ee 2.3.7 iyo kuwa ka da'da waynba, iyo midka iPhone iOS 8 ama ka sii wayn, ayey arrintan saameyn doontaa.

Barnaamijka uu ku shaqeeyo WhatsApp-ka ayaa waxa uu meesha ka saaraya barnaa mijta qadiimiga ah ee aan la cusboonaysiin ama lagu shubay taleefannada cusub.

Inta badan dadka isticmaala bartaas ayey u suuragalaysaa inay cusboonaysiiyaan barnaamijka uu taleefankooda ku shaqeeyo si ay u sii wadaan isticmaalka adeegga farriimaha ee shirkadda.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, taleefannada qaar sida iPhone 4s, kaas oo ku shaqeeya barnaamijka iOS 7 oo kaliya, ayaanan ku shaqeyn doonin barnaamijka WhatsApp.

"WhatsApp wax kale oo u furan malahan oo aan ka ahayn inay xaqiijiso in adeegeedu uu ahaado mid ammaan ah, hasayeeshee waxa ay shirkaddu wajahaysaa saameyn kaga imanayso taleefannada duqa ah ee aan ku shaqeyn doonin barnaamijkooda," ayuu sheegay Ben Wood oo ka tirsan CCS Insight.

"Taasi waxa ay u badan tahay inay saame yo dad muddo isticmaalayay adeegan, gaar ahaan suuqyada koraya halkaas oo aad looga helo taleefannada duqa ah."

WhatsApp, oo ah barnaamijkii afraad ee loogu soo dejis badan yahay tobankii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa 2017 waxa ay macaamiisheeda uga digtay isbadelka la sameyn doono.

"Waa ay adkeyd inaynu go'aankaas gaarno, hasayeeshee waxa uu mid sax ah si aannu dadka u siinno qaab wanaagsan oo ay ku wada xiriireen asxaabta, qoysaska, iyo dadka jecel inay isticmaalaan WhatsApp-ka," ayuu yiri afhayeenka shirkadda.

Waa tallaabadii ugu dambaysay ee kuwo xiriir ah oo ay qaadday shirkaddan farriimaha taas oo ay kaga baxday dhowr qalab 2016, kaddibna ay kaga baxday dhammaan taleefannada Windows-ka 31 Diseembar 2019.XIGASHO;BBC



BOGGA CAYAARAHA

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA KULANKII AY REAL MADRID DARDARTAY ATLETICO MADRID – KUMAA AHAA XIDDIGA GAROONKA?


    Real Madrid waxaa laga badiyay kaliya hal kulan 22kii kulan ee ay ci yaareen La Liga xilli ciyaareedkan, halka Atletico Madrid ay bilaa guul tahay shantii kulan ee ugu danbeysay, waxayna dagaal xoogan ugu jira an inay ku dhameystaan afarta sarre.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip