Ammaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay Caawa

0
Saturday February 01, 2020 - 21:05:56 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay Caawa

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya Ciidamo dheeraad ah ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMiSOM caawa la dhigay wadooyinka soo gala goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya Ciidamo dheeraad ah ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMiSOM caawa la dhigay wadooyinka soo gala goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Waxaa sidoo kale Xaafaddaha Magaalada lagu arkaya Ciidamo aad u hubeysan, islamarkaana hubinaya gaadiidka dadweynaha. Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa caawa laga dareemayaa bartamaha Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona howlgalo culus ay caawa ka socdaaan Magaalada Dhuusamareeb. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal sheegay in doorashadda Madaxweynaha ku xigeenkiisa ay ku dhici doonto xilligii loogu tala galay. Waxaa uu ku Wargaliyay Xildhibaanada Galmudug in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay berrri dhici doonto sidaas darteed xildhibaanada looga baahan yahay dhammaantood in ay soo xaadiraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip