Madaxweynaha Falastiin Oo Shaaciyay Inuu Xiriirka U Jaray Maraykanka

0
Saturday February 01, 2020 - 20:44:38 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Falastiin Oo Shaaciyay Inuu Xiriirka U Jaray Maraykanka

    Mahmoud Cabbaas Abu Maazin Madaxwqeynaha Falastiin ayaa si cad u sheegay inuu xiriirka u jaray dawladda Maraykanka, isla markaana uu ka tanaasulay dhamaan wada hadaladii uu Maraykanka kula jiray, maadaama uu ogaaday in Maraykanku uusan daacad ka ahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahmoud Cabbaas Abu Maazin Madaxwqeynaha Falastiin ayaa si cad u sheegay inuu xiriirka u jaray dawladda Maraykanka, isla markaana uu ka tanaasulay dhamaan wada hadaladii uu Maraykanka kula jiray, maadaama uu ogaaday in Maraykanku uusan daacad ka ahayn arrinta Falastiin. Cabaas ayaa hadalkaan ka sheegay shir deg deg ah oo wadamada Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, shirkaas oo looga arrinsanayo tallaabada Maraykanku qaaday ee ku saabsan arrimaha Falastiin. "Waxaan farriin u diray dhinacyada Maraykanka iyo Israell, waxaana idiin sheegayaa laga bilaabo maanta wax xiriir ah oo inoo dhexeeya ma jiraan, oo ay ku jiraan cilaaqaadka dhinaca nabadgelyada, maadaama Donald Trump uu dhankiisa ka baxay heshiisyadii aanu wada galnay" ayuu yiri Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha Falastiin.Maxamuud Cabbaas ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in kulamo badan la qabto si loogu wargeliyo bulshada Carabta mowqifkeena ku aadan sidii aan uga hor tagi lahayn qorshaha Mareykanka ee arrimaha Falastiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip