Maxkamadda sare ee Kenya oo diiday in Kenya ka laabato dhegaysiga dacwada badda ee hortaala ICJ

0
Saturday February 01, 2020 - 20:36:43 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda sare ee Kenya oo diiday in Kenya ka laabato dhegaysiga dacwada badda ee hortaala ICJ

    Maxkamadda sare Kenya ayaa meesha ka saartay codsi ah in laga mamnuuco Kenya in ay ka qeybgasho kiiska horyaala maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) oo ku saabsan muranka badda la leh ee Soomaaliya. Garsoorayaasha maxkamada Sare ayaa sheeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda sare Kenya ayaa meesha ka saartay codsi ah in laga mamnuuco Kenya in ay ka qeybgasho kiiska horyaala maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) oo ku saabsan muranka badda la leh ee Soomaaliya. Garsoorayaasha maxkamada Sare ayaa sheegay bishii octobar ee sanadkii hore in ay maxkamada codsi usoo gudbiyeen Koox 20 qof ka kooban oo u ololeynayay in Kenya aysan wakiilo u dirsan dhageysiyada dacwada badda ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi. Kooxdaan waxay ku doodayeen in kiiskaasi u horseedi karo in ay Kenya lumiso qeybo kamid ah dhulkeeda dastuuriga ah iyada oo aan afti loo qaadin sida uu farayo dastuurkooda. Balse, maxakamadda sare waxay sheegtay in kiiskaas lagu xallin doono hab diblomaasiyadeed, sharci dejin, siyaasad iyo faragalin kale, halkii laga gaari lahaa go'aan dastuuri ah. Taasi waxay ka dhigan tahay in Kenya aysan ka laaban doonin dacwada kiiska badda. Dacwada muranka badda ayaa loo farriisandoonaa bisha June ee soo socota, waxaana la filayaa inay noqo fadhigii ugu dambeeyay ee go'aan looga gaaridoono khilaafka baddeedka labada dowladdood.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip