Iskuulada Gaarisa Oo Xirmay Iyo Macalimiintii Oo Ka Cararay Weerarada Al-Shabaab

0
Saturday February 01, 2020 - 20:15:35 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iskuulada Gaarisa Oo Xirmay Iyo Macalimiintii Oo Ka Cararay Weerarada Al-Shabaab

    Kadib markii ay kordheen weerarada dagaaalamayaasha Al-shabaab ay ka fulinayan gudaha dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in geb ahaan Albaabada loo laabay Iskuuladii ku yaalla Gobolka Gaarisa. Waadiliinta kunool Gobolka Gaarisa ee Caruurtooda wax k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii ay kordheen weerarada dagaaalamayaasha Al-shabaab ay ka fulinayan gudaha dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in geb ahaan Albaabada loo laabay Iskuuladii ku yaalla Gobolka Gaarisa. Waadiliinta kunool Gobolka Gaarisa ee Caruurtooda wax ka bartaan Iskuulada ku yaalla halkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay Caruurtooda ay kala baxayaan Iskuulada ilaa iyo inta dowladda Kenya ay xal uga heleyso macallimiinta wax ka dhiga halkaas. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayan in Gobolka Gaarisa ay isaga carareen in ka badan 30 Macalin oo wax ka dhigi jiray Iskuulo badan oo ku yaallay Gobolkaas, waxaana sababta ugu weyn ay bixitaankooda lagu sheegay inay tahay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku dileen saddex Macalin.Guddiga Macallimiinta Kenya ee TSC ayaa sheegay isbeddellada lagu sameynayo Macallimiinta in ay abuurayso kala qeybsanaan, islamarkaana sahleyso in ay u gacan galaan Al-shabaab. Si kastaba Al-shabaab ayaa weerar kala duwan ka geysa deegaano ka tirsan Kenya, waxaana weeraradaas ka dhashay Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip