Mas'uul Ka Tirsan Maamulka G/Banaadir Oo Qarax Lala Eegtay

0
Saturday February 01, 2020 - 10:07:27 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Ka Tirsan Maamulka G/Banaadir Oo Qarax Lala Eegtay

    Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax daqiiqado kahor ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax daqiiqado kahor ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo Askar Ilaalo u aheyd. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray Isgoyska Xoosh, iyagoona soo qaaday dhaawaca guddoomiye ku-xigeenka iyo Meydadka Askartii Ilaalada u aheyd, waxaana sidoo kale la xiray Aaga uu Qaraxu ka dhacay.Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in qaraxas uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali, isla markaana ay ku geeriyoodeen laba Askari oo la socday. Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Qaraxii daqiiqado kahor lala eegtay Gaari uu la socday Mas'uul ka tirsan Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip