Madaxweyne Deni & Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo Nairobi ku kulmay

0
Friday January 31, 2020 - 22:17:54 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni & Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo Nairobi ku kulmay

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Pun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan safaarada Talyaaniga.

Safiir kuxigeenka Jarmalka iyo Deni 

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Talyaaniga Alberto Vecchi ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga, waxaa kale oo laga wada hadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ee Puntland iyo mashaariicda horumarin.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi ku-xigeenka danjiraha dalka Germany ee Soomaaliya, mudane Markus Bollmohr.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo mashaariicda horumarin ee Dowladda Germany ka waddo deegannada Dowlad Goboleedka Puntland.

Safiir kuxigeenka Jarmalka iyo Deni
Safiir kuxigeenka Jarmalka iyo Deni



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip