"Gaar ahaan Sacuudi Carabiya, waad aamusan tihiin, goorma ayaad hadli doontaan? Waxaad eegtaa Jordan, Baxreyn iyo Imaaraadka, ayagana waa la mid,” ayuu yiri.
"Ceeb ha idinku dhacdo, sidee gacmaha u sacbinaya qorshahan ay u taageeri karaan?” ayuu yiri Erdogan.
Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray "Heshiiska Qarniga” ayaa Qudus u aqoonsanaya caasimadda aan la kala qeybin ee Israel.
Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jaraan gacanta Israel.
Dowladda Sacuudiga ayaa horey madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas ugu yaboohday 10 bilyan oo dollar si uu aqbalo qorshaha Mareykanka ee loogu magac daray "heshiiska qarniga”, kaasi oo si rasmi ah magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda.
Erdogan oo shaaciyey 4 dal oo Carab ah oo qeyb ka ah shirqhool ka dhan ah Qudus
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha Bariga Dhexe ee uu shaaca ka qaaday madaxweyne Donald Trump, taasi oo uu ku qeexay "Khiyaano Qaran." "Qaar ka mid ah d