Safiirka DF oo war ka soo saaray dhaawacyo la sheegay in laga soo celinayo Turkey

0
Friday January 31, 2020 - 21:59:18 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka DF oo war ka soo saaray dhaawacyo la sheegay in laga soo celinayo Turkey

    Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa beeniyey in si qasab ah loo soo celinayo dadka dhaawaca ah ee la geeyey dalka Turkey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa beeniyey in si qasab ah loo soo celinayo dadka dhaawaca ah ee la geeyey dalka Turkey.

Safiirka ayaa sheegay in safaaradda aysan mas’uul ka ahayn dhaawacyadii halkaas la geeyay bishii hore 30-keedii kadib qaraxii Ex-control Afgooye, islamarkaana aysan soo celineyn.

"Waxaan cadaynayaa in ay dowlada Turkiga aad iskaga xil saartay, dadkii Turkiga ahaa ayaa laga hor mariyay caafimaadkooda, dowlad safaarad iyo shacab waxaan dul taagneyn maalin kasta, xataa lacago ayaan u aruurinay” ayuu yiri.

"Dadkaas qaarkood ma wataan baasabooro, Visa kuma imaan, waxaan safaarad ahaan shaqo aan ku leenahay maahan, laakiin waa dad Soomaaliyeed waan Kormeereynaa wixii adeeg ah ka safaarad ahaan waan u qabanaa, laakiin go’aanka in ay caafimaadkooda dhameysteen oo dalkii lagu celinayo waxaa iska leh dowlada Turkiga iyo wasaarada caafimaadka Turkiga” ayuu yiri danjire Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid).

Hoos ka daawo safiirka



Cabdixakiin Cilmi Xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip