Waxay sheegtay in labada gabdhoodba ay weli qabaan dhaawacyo halis ah safarna aysan hadda u geli karin dalkii, sidaas markii ay u sheegeen safaaradana lagu gacan seyray oo loo sheegay in lasoo jaray tikidkii ay ku bixi lahaayeen.
Sidoo kale hooyadan ayaa dowladda Soomaaliya iyo tan Turkiga ka dalbatay in eyagoo aan bogsan lagu celiyo dalkii looga soo qaaday xaaladda caafimaad, waxayna ku cataawday in labadeeda gabdhood ay Indho u ahaayeen mid kamid ah Indhahaasna ay weysay, hadana ay dalbaneyso in lala badbaadiyo Idhasha u hartay oo ay kala jeedo gabadheeda dhaawaca ah.
Halkan ka Daawo
Xigasho:-caasimadda.net
Dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo lagu qasbayo in Somalia ay kusoo noqdaan
Hooyo Soomaaliyeed oo laba gabdhood oo ay dhashay mid ku dhimatay Qaraxii 28-kii bishii hore December ka dhacay Ex-Control Afgooye midna ku dhaawacantay ayaa sheegtay inay cabasho ka tahay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara.