Sawirro: Mashruuca garoonka cusub ee diyaaradaha ee Muqdisho oo la sahmiyey
Goobta la sahmiyay ayaa Muqdisho u jirta ku dhowaad 35KM, waxaana dhul ahaan ay ka tirsan tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay u dhaxeysa Dekedii Ceel Macaan iyo degmada Warsheekh.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhulkan uu yahay kan ugu habboon ee garoonka laga dhiso karo, marka la eego sida uu u wanaagsan, iyo masaafada uu u jiro magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintii booqday dhulkan loo qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed ayaa sidoo kale isla qaatay inay tahay meel istiraatiijiyad ah oo ku habboon dhismo garoon diyaaradeed, marka loo eego baaxada dhulka uu ku fadhiyo, dhanka xeebta uu saaran yahay.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in mustaqbalka laga guuri doono, maadaama magaalada gudaheeda uu ku yaallo, garoonkana uu isku bedelay meelo deegaan u ah Safaarado iyo Hey’addo shisheeye, sidaas darteed mustaqbalka la rajeynayo in garoon weyn oo caalami ah laga dhisi doono duleedka Muqdisho.
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa horay u balan-qaaday mashaariic ku baxaya ballaayiin doolar inay ka hirgelin doonto Soomaaliya, kaasoo uu ku jiro garoon diyaaradeed.
Sawirro: Mashruuca garoonka cusub ee diyaaradaha ee Muqdisho oo la sahmiyey
Muqdisho (Caasimada Online) –Sahankii u horeeyay oo ah Mashruuc lagu dhisayo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilowday, ayada oo garoonkan uu ku fariisan doono dhul cabirkiisu yahay 14KM. Xubno ay ka mid yihiin