Ra'iisul wasaare Boubou Cisse oo ku dhawaaqay in uu qorayo 10,000 oo ciidan ah

0
Thursday January 30, 2020 - 22:00:25 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Boubou Cisse oo ku dhawaaqay in uu qorayo 10,000 oo ciidan ah

    Boubou Cisse Ra'iisul wasaaraha Mali ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal dowladdiisa ay ku qoraneyso ciidammo militari ah si wax looga qabto weerarada kooxaha jihaad doonka ay ka geystaan dalkaas. Boubou Cisse wuxuu sheegay in bilooyinka nagu soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boubou Cisse Ra'iisul wasaaraha Mali ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal dowladdiisa ay ku qoraneyso ciidammo militari ah si wax looga qabto weerarada kooxaha jihaad doonka ay ka geystaan dalkaas. Boubou Cisse wuxuu sheegay in bilooyinka nagu soo aadan ay qorayaan 10,000 oo ciidan ah. Waxaa la sheegay in militariga Mali ay gaarayaan ilaa 20,000. Bilooyinkii ugu dambeeyay, tiro kamid ah ciidammada Mali ayaa ku dhintay weeraro kooxo taabacsan Al Qaacidda ay ka geysteen dalkaas. Weerar maalmihii lasoo dhaafay lagu qaaday xero ciidammada Mali ay ku leeyihiin dalkaas waxaa ku dhintay 22 kamid ah laammaha amniga. Xaalad amni darro ah ayaa ka taagan Mali, inkasta oo ay halkaas joogaan 20,000 oo ciidan ah oo ka socda Qaramada Midoobey iyo ciidammo Faransiis ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip