Mareykanka oo sheegay in Weerarkii Al-Shabaab looga burburiyay lix diyaaradood

0
Thursday January 30, 2020 - 21:58:21 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay in Weerarkii Al-Shabaab looga burburiyay lix diyaaradood

    Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su'aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan we

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su'aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa. Jeneral Stephen Townsend, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeesheen inay soo jebiyaan xeendaabka saldhigga Manda Bay, islamarkaana ay gudaha usoo galaan. "Dad badan ma oga, balse saldhigga ay ciidamadeena ku nool yihiin ma ahan saldhigga la weeraray. Hase yeeshee waxay awood u yeeshaan inay soo galaan saldhigga, oo ay dilaan saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana ay burburiyaan lix diyaaradood. Sidaas darteed uma aynan diyaarsaneyn sidii loo baahnaa," ayuu yiri. Jernal Townsend ayaa sheegay inay weli baarayaan sababta ay ku dhacday in ciidamada aysan sameyn diyaar garowgii iyo feejignaantii loogaa bahnaa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip