Waa sidee xaaladda Soomaalida ku sugan magaalada Wuhan ee uu cudurku ka dillaacay?

0
Thursday January 30, 2020 - 20:43:24 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa sidee xaaladda Soomaalida ku sugan magaalada Wuhan ee uu cudurku ka dillaacay?

    Labo nin oo Soomaali ah ayaa BBC-da u warramay iyagoo ku kala sugan gudaha iyo bannaanka magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, halkaasoo ah meeshii ugu horreysay ee uu ka dillaacay cudurka dunidoo dhan ka walaacsan tahay ee coronavirus. Dwoladda Shii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo nin oo Soomaali ah ayaa BBC-da u warramay iyagoo ku kala sugan gudaha iyo bannaanka magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, halkaasoo ah meeshii ugu horreysay ee uu ka dillaacay cudurka dunidoo dhan ka walaacsan tahay ee coronavirus. Dwoladda Shiinaha ayaa hal isbuuc ka hor joojisay dhammaan safarradii dhinaca cirka iyo dhulka ee ka baxayay ama galayay magaalooyin ku yaalla dalkaas, oo ay ka mid tahay Wuhan, oo isbuucyadii lasoo dhaafay si weyn uga caan baxday dunida oo dhan, maadaama uu ka dillacaay cudur cabsi badan dhaliyay oo kusii fiday dalal kale. Dad Soomaali ah, oo u badan arday ayaa ku sugan magaaladaas, waxayna ka sheekeeyeen saameynta cudurka iyo xayiraaddaba. Dr Cabdullaahi Ismaaciil Taygar, wuxuu ka mid yahay malaayiin qof oo laga hor istaagay inay safraan. Kahor inta aan xayiraadda lagu soo rogin magaalada Wuhan, Cabdullaahi wuxuu ku maqnaa bannaanka magaalada, laakiin markii uu isku dayay inuu ku laabto waa loo diiday, ilaa haddana wuxuu ku xanniban yahay meel ka baxsan magaalada Wuhan. "Aniga waxaan ka mid ahaa qolooyinkii dalxiiska u baxay markii la galay fasaxa jaamacadaha. 23-kii bishan ayaa lasoo saaray go'aan ah inaysan jiri doonin cid ka baxeysa ama galeysa magaalada Wuhan, markii hore qorshaheennu wuxuu ahaa inaan 25-ka bisha ku laabanno magaalada, laakiin nooma suurtagalin", ayuu yiri Dr Cabdullaahi oo la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

.Lahaanshaha sawirkaDR CABDULLAAHI ISMAACIIL

Image captionCabdullaahi wuxuu sheegay inay dowladda Shiinaha damaanad qaadday kharashka jiifkooda iyo cuntadooda

Ninkan oo ay la socdaan xaaskiisa iyo carruurtiisa ayaa sheegay in isaga iyo dad badan oo kale ay damaanad qadday dowladda Shiinaha, maadaama laga hor taagan yahay inay guryahooda ku laabtaan.

"Qiyaas ahaan shan malyan oo qof ayaan kaga soo baxnay magaalada Wuhan, marka dowladda Shiinaha ayaa noo sheegtay inay na damaanad qaadday, waxay noo kireysay hoteello aan seexanno, saddexda wakhti cuntadeennana iyadaa bixisa. Waxaa naloo sheegay in ilaa uu war soo baxayo aannaan hoteelkaas ka bixin, sababtuna waa in la doonayo inuusan cudurkaas sii fidin".

Dr Cabdullaahi ayaa ka mid ah dadka muddada dheer ku sugnaa magaalada Wuhan, waxaana laga hortagayaa inay dalka shiinaha qeybihiisa kale usii gudbaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Shiinaha waxay sheegayaan in caabuqa cusub uu gaaray dhammaan magaalooyinka dalkaas.

Ma jiraa qof Soomaali ah oo cudurkan laga helay?

.
Image captionYaasiin Cabdi waa arday Shiinaha ka barta cilmiga dhakhtarnimada

Dalal badan oo ku yaalla caalamka ayaa soo tabiyay inuu gaaray caabuqa corona, ka dib markii dad kasoo duulay magaalooyin ku yaalla Shiinaha ay waddamadooda gaareen.

Waddamobadan oo ka baxsan Shiinaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu caabuqaas saameeyay, inkastoo awooddiisa ugu badan ay ka jirto Shiinaha.

Inkastoo dad badan oo Soomaali ah ay ku sugan yihiin Shiinaha, wali ma jiro qof Soomaali ah oo la xaqiijiyay inuu caabuqan ku dhacay.

Yaasiin Cabdi oo ka mid ah ardayda Dhakhtarnimada ka barta jaamacadaha Shiinaha ayaa BBC-da u warramay isagoo ku sugan magaalada Wuhan, oo ah halka uu asal ahaan ka dillaacay cudurkan sii fidaya.

Wuxuu Yaasiin sheegay in ay nabad qabaan.

"Xaaladda guud ee magaalada waa sidii hore, wax iska baddalay ma jiraan, dhammaan isbitaalladu waxay la tacaalayaan bukaannada uu cudurkan soo ritay. Annaga xaaladdeennu way dagan tahay, mana jiro qof Soomaali ah oo ilaa imika la sheegay inuu cudurku ku dhacay, waana nabad qabnaa.

HuanggangLahaanshaha sawirkaHUANGGANG
Image captionMuuqaalka isbitaalka

Dowladda Shiinaha ayaa maalin ka hor shaacisay in la dhammeystiray isbitaal loogu talagalay dadka uu cudurkan haleelay, kaasoo lagu dhisay muddo lix cisho gudahood ah.

Isbitaalkan, oo lagu tilmaamay kii sida ugu dhakhsiyaha badan lagu dhisay abid, ayey mas'uuliyiinta Shiinaha sheegeen inuu qaadi karo in ka badan 1,000 bukaan.

Sidey dowladda Shiinaha u awooddaa in isbitaal lagu dhiso lix maalmood?

"Shiinaha wuxuu taariikh u leedahay in mashaariicda noocan ah si dhakhso ah loo fuliyo", ayuu yiri Yanzhong Huang, oo ahmacallin kale oo wax ka dhiga culuumta caafimaadka adduunka iyo xiriirka caalamiga ah.

Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay in isbitaalkii laga dhisay Beijing uu dhismihiisa ku idlaaday 7 maalmood gudahood, sidaas darteedna kooxda dhismaha wadda ay damacsan yihiin inay wakhtigii horay loo asteeyay uga dhakhso bataan.

Mr Huang ayaa sheegay in Injineerrada dhismahan ka qeyb qaadanaya laga kala keenayo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waddanka, si dhismaha loogu soo afjaro waqtiga loo qabtay.

Maalintii Jimcada, wargeyska Global Times ayaa xaqiijiyay in 150 dhakhtar oo ka socda milatariga Shiinaha ay gaareen magaalada Wuhan. Hase ahaatee ma kala caddeynin in dhakhaatiirtaas ay ka howl gali doonaan isbitaalka cusub ee la dhisayo iyo inkale.

Maxaa ugu dambeeyay?

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWHO ayaa ka digtay in cudurkan uu aad usii fidi karo

Tirada dadka u dhintay caabuqa Corona ayaa gaartay ilaa 170 ruux, waxaana la xaqiijiyay in gobol kasta oo ka mid ah shiinaha uu gaaray,

Mas'uuliyiinta caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in 7,711 kiis oo cudurkaas ah la xaqiijiyay ilaa 29-kii bisha oo ku beegneyd Arbacadii shalay, taasoo ka dhigan in dhimashada ay sare usii kici karto.

Hay'adda caafimaadka adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay, ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa kulan leh maanta oo Kahmiis ah, January, 30, 2019, waxayna ka arrinsaneysaa in cudsurkan loo tix galin karo xaalad deg deg ah oo soo wajahday dunida.

Caabuqa Corona wuxuu ilaa hadda gaaray ugu yaraan 15 waddan oo kale.

XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip