Waxgaradka G/Gedo Oo Baaq U Diray DFS Kadib Baxsashadii Wasiirkii Amniga Jubbaland

0
Thursday January 30, 2020 - 20:37:06 in Wararka by
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka G/Gedo Oo Baaq U Diray DFS Kadib Baxsashadii Wasiirkii Amniga Jubbaland

    Waxgaradka ku nool Gobolka Gedo oo ah halka uu ka soo jeedo wasiirka amniga ee Jubbaland C/rashiid C/nuur Janan ayaa baaq u diray dowladda fedraalka Soomaaliya kadib markii ay shaacisay in uu halkii lagu hayay uu ka baxsaday isla markaana ay baadi go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxgaradka ku nool Gobolka Gedo oo ah halka uu ka soo jeedo wasiirka amniga ee Jubbaland C/rashiid C/nuur Janan ayaa baaq u diray dowladda fedraalka Soomaaliya kadib markii ay shaacisay in uu halkii lagu hayay uu ka baxsaday isla markaana ay baadi goobayaan hay'adaha amniga. Waxgaradka ayaa dowladda ku eedeeyay musuuliyad darro iyo in aysan aheyn wax la aqbali karo in uu baxsaday wasiirka amniga'iyada oo tilmamay in ay dowladda uga baahanyihiin 24-saac gudahood in ay jawaab lagu qanci karo ka bixiso. Dhinaca kalana waxa ay baaq u direen Beesha caalamka iyaga oo cadeeyay dhibaatada ka dhalata arrintaas in ay qaadan doonto dowladda,islamarkaa ay u arkaan qorshahaan mid loogu danleeyahay iyaga sida ay hadalka u dhigeen. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga uu ka baxsaday Wasiirkii amniga Jubbaland oo dowladda 31 Bishii Agoosto ee 2019 ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona ku eedeeysay inuu dembiyo kala duwan ka galay shacabka Gobolka Gedo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip