Ethiopia Oo Baadi Goobaysa Masuuliyiin Ka Tirsanaa Maamulka Soomaalida Ethiopia Oo Ku Eedeysan Dembiyo Culus

0
Thursday January 30, 2020 - 20:25:56 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia Oo Baadi Goobaysa Masuuliyiin Ka Tirsanaa Maamulka Soomaalida Ethiopia Oo Ku Eedeysan Dembiyo Culus

    Berhanu Tasegaye oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia,ayaa sheegay inay Xafiiskiisa dhibaatooyin ka soo wajaheen sidii loo soo qaban lahaa ku dhawaad 1,600 qof oo uu ku tilmaamay Qas-wadayaal ka dambeeyey colaado iyo dilal ka dhacay qaar ka m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berhanu Tasegaye oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia,ayaa sheegay inay Xafiiskiisa dhibaatooyin ka soo wajaheen sidii loo soo qaban lahaa ku dhawaad 1,600 qof oo uu ku tilmaamay Qas-wadayaal ka dambeeyey colaado iyo dilal ka dhacay qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyadda iyo kuwa magaallooyinka ee guud ahaan dalkaasi. Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi Berhanu Tasegaye waxa uu hadalkaasi ku sheegay Warbixin uu siiyey Aqalka Wakiiladda ee Barlamaanka Federalka Ethiopia, wuxuuna xusay inuu Xafiiskiisa awooday inuu 1,400 Eedeysanayaal hor keeno Sharciga, kuwaasi oo ka mid ahaa in ka badan 3,000 oo qof oo ku lug lahaa colaado ka dhacay dalkaasi sannadkii hore iyo kuwo ka sii horeyey. Waxa kale oo uu tilmaamay inay baadi-goob ugu jiraan in ka badan 1,600 oo qof oo ku eedeysan dilal iyo dhaawacyo loo geystay dad rayid ah oo ku noolaa Maamul-gobaleedyadda Soomaalida, Amxaarada, Oromada,Bebishagul Gumus,Shucuubta Koonfureed iyo Gobalka Waddaniyiinta iyo Dadka eeSNNPR. Dhinaca kale,Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia,Berhanu Tasegayewaxa faahfaahiyey goobaha ay Eedeysanayaashaasi ku kula sugan, wuxuuna xusay in 827 ka mid ah la rumeysan yahay inuu isku dhex qarinayaan GobalkaBenishaangul Gumuz,655 Eedeysane oo ku dhuumalaysaGobalka Waddaniyiinta iyo Dadka eeSNNPR,50 ku sugan Gobalka Amxaarada, 4 ku sugan Gobalka Tigreeyga. Mar uu ka hadlayey Eedeysanayaasha la rumeysan inay weli ku dhex sugan yihiin Dowlad-gobaleedka Soomaalida waxa uu xusay inay gaarayaan 33 qof, kuwaasi oo lala xiriirinayo dilal iyo dhaawacyo loo geystay dad rayid ahaa sannadihii la soo dhaafay. Waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dhowr xubnood oo ka tirsan Dowlad-gobaleedyada, kuwaasi oo si toos ah iyo si dadban ugu lug lahaa shaqaaqooyinkii dhacay. Madaxweynihii hore ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hayey sannadihii 2005-tii ilaa 2018-kii ayaa ka mid ahaa dadka u xiran Tacadiyo ka dhacay Is-maamulkaasi, gaar ahaan magaalladda Jigjiga. Waxaa kaloo la xiran 5 qof oo ka mid ahaa xubnihii Maamulkiisa, kuwaasi oo kala ah: 1-Raxma Maxamed Haybe oo ahayd Madixii hore ee Arrimaha Haweenka iyo Carruurta, 2-C/risaaq Saxane Cilmi, oo ahaa Madixii Qurbo-joogta, 3-Farxaan Timir oo ahaa Taliyihii hore ee Boliska Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia Iyo Laba Aqoonyahan oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Abel. Dhinaca kale, Xeer-ilaalinyaha Guud ee Ethiopia waxa uu tilmaamay inay Warqad soo qabasho ah u jareen Eedeysanayaal kale oo qaarkooda u baxsadeen Waddan kale oo uusan carabaabin, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Dowladdaasi, si loo celiyo xubnahaasi. Taliyihii hore ee CiiddankaLiyuu Bolisee Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia, C/raxmaan Laba-Go'le ayaa ka mid ah dadka la raadinayo, kaasi oo la sheegay inuu ku nool yahay dalka Turkiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip