Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

0
Thursday January 30, 2020 - 20:24:15 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

    Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. Maareeyaha Hay'adda Duulista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. Maareeyaha Hay'adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdi Rodol oo ay wehelinayaan maamulka iyo madaxda Garoonka ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey garoonka, waxana uu madaxweynuhu ugu horrayn kormeerkiisa ka bilaabay dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan. Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi mid mid u galay qolalka, hoolalka iyo dhammaanba xafiisyada shaqo ee Garoonka iyo ilinada ay rakaabku kasoo galaan Garoonka iyo kuwa laga dhoofo, waxana si hufan uga warbixiyey maareeyaha Hay'adda Duulista hawada iyo madaarrada Somaliland oo ku dheeraaday horumarka uu garoonku ku tallaabsatay iyo sida ay shaqaaluhu heeganka ugu jiraan shaqada qaranka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip