Mas'uliyiinta Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa horay u ballan qaaday in isbitaal cusub ay ku dhisi doonaan muddo lix maalmood gudahood ah, si loogu daweeyo bukaannada looga shaki qabo inay qaadeen cudurka coronavirus.
Ilaa iyo hadda waxaa Shiinaha gudihiisa laga xaqiijiyay 6,000 oo kiis oo cudurkaas ah, halka 132 ruuxna ay u dhinteen inta la ogyahay.
Cudurkan ayaa markii ugu horreysay ka dillaacay Wuhan, oo hoy u ah qiyaastii 11 malyan oo ruux. Isbitaallada magaalada ayaa la ciirciiraya dadka deegaanka oo ka walaacsan cudurkan, islamarkaana doonaya inay iska baaraan, halka farmashiyeyaashuna ay daawada kasii dhammaaneyso.
Sida ay tabisay warbaahinta dowladda, isbitaalka cusub ayaa ka koobnaan doona ilaa 1,000 sariir. Muuqaal ay warbaahinta Shiinaha ku shaaciyeen internet-ka ayaa muujinaya dhismaha isbital oo la dhameystiray.
Waxaa isbitaalkan loo ekeysiiyay mid sanadkii 2003 laga dhisay magaalada caasimadda ah ee Beijing, xilligii uu dillaacay cudurka Sars-ka.
"Wuxuu noqonayaa isbitaal dadka xanuunka qaba lagu karantiili doono, waxaana halkaas laga heli doonaa qalabka badbaadada oo dhammeystiran", sidaas waxaa yiri Joan Kaufman oo ah macallin caafimaadka ka dhiga iskuulka Harvard.
Sidey dowladda Shiinaha u awooddaa in isbitaal lagu dhiso lix maalmood?
"Shiinaha wuxuu taariikh u leedahay in mashaariicda noocan ah si dhakhso ah loo fuliyo", ayuu yiri Yanzhong Huang, oo ah macallin kale oo wax ka dhiga culuumta caafimaadka adduunka iyo xiriirka caalamiga ah.
Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay in isbitaalkii laga dhisay Beijing uu dhismihiisa ku idlaaday 7 maalmood gudahood, sidaas darteedna kooxda dhismaha wadda ay damacsan yihiin in wakhti ka yar ay ku dhisaan.
Mr Huang ayaa sheegay in Injineerrada dhismahan ka qeyb qaadanaya laga kala keenayo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waddanka, si dhismaha loogu soo afjaro waqtiga loo qabtay.
Maalintii Jimcada, wargeyska Global Times ayaa xaqiijiyay in 150 dhakhtar oo ka socda milatariga Shiinaha ay gaareen Magaalada Wuhan. Hase ahaatee ma kala caddeynin in dhakhaatiirtaas ay ka howl gali doonaan isbitaalka cusub ee la dhisayo iyo inkale.
xigasho:BBC
Shiinaha oo dhameystiray isbitaal lagu dhisay lix maalmood
Waxaa maanta dalka Shiinaha laga furayaa isbitaalkii ugu horeeyay ee loogu talagalay in lagu daweeyo dadka uu haleelay caabuqa Corona ee ka dilaacay dalkaas. Isbitaalkan oo laga dhisay meel aan ka fogeyn halka uu xanuunka ka dilaacay markiisi hore