Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Wuhan.

0
Wednesday January 29, 2020 - 19:26:38 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Wuhan.

    China:- Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka warbixinayay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shinaha, si gaarana gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Koronah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

China:- Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka warbixinayay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shinaha, si gaarana gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Koronaha, dad badanna dalka Shiinaha ugu dhinteen qaar kalene la il daran yihiin.

Safiir Cawaale Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday waxkabarata shan Jaamacadood oo gobolkaas ku yaala, kuwaas oo kala ah 1: Wuhan University, 2: Huazhong University science and technology, 3: Wuhan University of sciences and Engineering, 4: China University of Geosciences 5: Central China Normal University.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaa ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Korona la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso.

Danjire Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas usii faafin oo loo xakameeyo.

Ugu dambeyntii Safiirka Safaaradda J. F. Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa si guud ugu baaqay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Shiinaha ku nool in ay lasoo xariiraan safaaraddooda iyagoo kusoo diraya Email-kan beijingembassy@mfa.gov.so.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip