Puntland oo maanta gubtay maandooriyihii ugu badnaa abid ee gacanta lagu dhigo

0
Wednesday January 29, 2020 - 18:39:23 in Wararka by
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo maanta gubtay maandooriyihii ugu badnaa abid ee gacanta lagu dhigo

    Puntland ayaa maanta meel fagaare ah oo kutaala duleedka waqooyi ee Garowe ku gubay maandooriye gaaraya ku dhawaad 20 kun oo dhalo oo Qamri ah iyo 30 kiilo oo xashiishad ah. Maandooriyahaan ayaa lagu sheegay midkii ugu badnaa abid ee lagu qabto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland ayaa maanta meel fagaare ah oo kutaala duleedka waqooyi ee Garowe ku gubay maandooriye gaaraya ku dhawaad 20 kun oo dhalo oo Qamri ah iyo 30 kiilo oo xashiishad ah. Maandooriyahaan ayaa lagu sheegay midkii ugu badnaa abid ee lagu qabto Puntland, waxaana in gacanta lagu dhigo ka qeyb qaatay dad muwaadiniin ah oo bixiyay xogta Qamrigaan. Taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, G/dhexe, Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in booliisku ku raad joogo 16 qof oo ku lug leh maandooriyahaan. Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in dhawaan lasoo saarayo bayaan caddeynaya in la toogto cid kasta oo maandooriye soo galisa Puntland iska caabinna kala horta ciiddanka amniga.


Maandooriyaha Qamriga ayaa Puntland lagasoo galiyay dhinaca Ethiopia, hase yeeshee waxaa lagu guulaystay in lagu qabto baraha kantaroolada gobolka Nugaal.

Wasiirka cadaalada Puntand Cawil Sheikh Xaamid, ayaa sheegay in ay qaadidoonaan dagaal naxariis la’aan ah oo ka dhan ah maandooriyaha, isagoo sheegay in madaxweynuhu magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeynaya la dagaalanka daroogada.
xigasho:hiiraanOnline


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip