Faroole oo ka digay cunaqabateyn laga cabsi qabo in DF ay saarto Puntland

0
Wednesday January 29, 2020 - 16:44:11 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faroole oo ka digay cunaqabateyn laga cabsi qabo in DF ay saarto Puntland

    Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre, wuxuuna ka digay in dowladda ay Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre, wuxuuna ka digay in dowladda ay Puntland saarto cunaqabateyn waxbarasho. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dastuurka dalka uu maamul goboleedyada u ogolaanayo inay maamushaan arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, wuxuuna codsaday in la xormeeyo dastuurka. Cabdiraxmaan Faroole ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay hantidii qaranka u adeegsaneyso kala fur furka dowlad goboleedyada ka jiro dalka sida uu hadalka u dhigay. "Ma aha in dowladda Soomaaliya ay furfurto waxbarashada Puntland, hadba sarkaal in ay qaadato sax ma aha, agaasimigii imtixaanaadka waa la dafay oo la-taliye ayaa laga dhigtay" ayuu yiri Senator Faroole. Faroole ayaa ku faanay in Puntland ay tahay hooyada waxbarashada Soomaaliya, ayna tahay inay dowladda Soomaaliya uga dayato maadaama uu sheegay inay Puntland kaga fiican tahay dhanka waxbarashada. "Awoodda Waxbarashada Soomaaliya oo dhan meesha laga fuliyo waa Puntland, ma jirto cid inkiri karto taas, Maamul Goboleedyada kale ee dalka waa inay ka shidaal qaataan, dowladda federaalka ahna waa inay ku dayato meesha looga fiican yahay" Ayuu yiri Faroole. Intii lagu guda jira shirka jaraa'id, Faroole ayaa si adag ka digay in cunaqabateyn waxbarasho ay dowladda federaalka kusoo rogto Puntland, siddii Jubaland u saartay xayiraad hawada ah". Senator-ka ayaa sheegay in dooda Puntland iyo go'aankeeda waxbarashada ay cuksan tahay Dastuurka Qabayada ah ee u yaalo Dalka. Ugu dambeyntii Senator Faroole ayaa waalidiinta Ardayda sugeysa Shahaahada ugu baaqay inay dulqaataan isla markaasna xal deg deg ah loo heli doono khilaafka taagan. Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku adkeystay in Ardayda ay ka qaadaan Imtixaan sanadeedka, isla markaana shahaadadooda laga doonayo in ay bixiso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip