Duulimaadyadii Kismaayo & Baydhabo oo la hakiyay

0
Wednesday January 29, 2020 - 16:36:28 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duulimaadyadii Kismaayo & Baydhabo oo la hakiyay

    Wararka laga helaayo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dowladda Federalka Somaliya ay hakisay duulimaadyadii Magaalooyinka Kismaayo & Baydhabo u bixi jiray. Maanta ma jirin diyaarado u baxay labadaasi Mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helaayo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dowladda Federalka Somaliya ay hakisay duulimaadyadii Magaalooyinka Kismaayo & Baydhabo u bixi jiray. Maanta ma jirin diyaarado u baxay labadaasi Magaalo, waxaana wararka intaasi ay ku darayaan in Garoonka Aadan Cadde lagu daadiyay ciidan badan oo dhar cad. Dowladda Somaliya ayaa raadinaysa Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan oo ka baxsaday xabsi ay Maamusho dowladda Federalka Somaliya. Waxaa jira shaki ah in Cabdi rashiid Janan uu doonaayo inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, sidaasina ay tahay sababta duulimaadyada loo hakiyay. Qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay saaka illaa hadda in Ciidamo dhar cad ah Garoonka ay buuxaan oo si adag loo Koontaroolayo dadka Garoonka ka dhoofayo. Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan, ayaanan illaa & hadda la haynin raq & ruux halka uu ka baxay, iyadoo Jubbaland ay soo saartay walaac wayn inay ka qabto nolosha Wasiirkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip