Ilhaan Cumar oo ka soo horjeesatay qorshaha Trump ee bariga DHEXE

0
Wednesday January 29, 2020 - 16:32:49 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar oo ka soo horjeesatay qorshaha Trump ee bariga DHEXE

    Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa si weyn uga hortimid qorshaha nabadda bariga dhexe ee uu soo bandhigay madaxweynaha wadankaasi, Donald Trump. Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barta fariimaha gaagaaban ee Twit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa si weyn uga hortimid qorshaha nabadda bariga dhexe ee uu soo bandhigay madaxweynaha wadankaasi, Donald Trump. Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barta fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayey qorshaha la sugayey ee Trump ku tilmaamay mid dhac ah oo aan aheyn mid nabadeed. Sidoo kale waxa ay shaacisay in weli lagu dhegan yahay isaga iyo ra'iisul wasaaraha Israa'iil, islamarkaana qorshahaan uu yahay mid ceeb iyo khiyaano ah. "Intii lagu sameyn lahaa soo jeedin xil ka qaadis ah oo la dacweyn lahaa labadan hogaamiye ee lagu dhagan yahay inay gaaraan qorshe nabadeed, waana arrin ceeb iyo khiyaano ah" ayay tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka. Ilhaan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu soo bandhigay uu yahay mid aan loo dhameyn, islamarkaana aan laga qeyb galinin dhinacyadii ay quseysay qadiyadaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Trump qorshahaan uu ku dhawaaqay, xilli uu garab taagnaa ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu, sidoo kalena sheegay in qorshiihiisa nabadda ee bariga dhexe, fursadii ugu dambeysay ay ka heli karaan Falastiiniyiinta ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip