Shirka Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu ansixiyay 33-qaraar

0
Tuesday January 28, 2020 - 22:58:13 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu ansixiyay 33-qaraar

    Maalintii labaad waxaa Magaaladda Ouagadougou ''Waakadhuugu'' ee Caasimadda Dalka Burkina Faso ka socda Kalfadhiga15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana maanta kulan gaar ah yeeshay guddiga qaabilsan Arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii labaad waxaa Magaaladda Ouagadougou ''Waakadhuugu'' ee Caasimadda Dalka Burkina Faso ka socda Kalfadhiga15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana maanta kulan gaar ah yeeshay guddiga qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dibadda oo ansixiyay 33-qaraar oo lasoo gudbiyay kulankii dhacay daba yaaqadii sanadkii 2018. Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi ''Buux'' . Dhinaca kale qaraarkan waxa uu ku baaqayaa in dhamaan dowladaha xubnaha ka ah midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in laga faa'ideysto fursadaha maalgashi ee xiligan ka banaan Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira dhowr qaraar oo wada taabanaya ama khuseeya inta badan dalalkan oo ay ka mid yihiin in guud ahaan dalalkan midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ay meel uga soo wada jeestaan talaabo walba oo sharci dara ah oo lagu cuna qabateynaayo wadamada Islaamka,qaraar ka hadlaya dhibaatooyinka Tahriibka iyo Qaxootiga ee caalamka Islaamka, iyo qaraar ku saabsan sidii loo taageeri lahaa muslimiinta ku nool wadamada looga tirada badanyahay. Sidoo kale waxaa shirkan barbar socday shirka 8-aad guddiga joogtada ah ee Arrimaha Dhaqanka, Qaanuunka,dooda,Ilbaxnimada iyo Diimaha oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socda Dowladaha Carabta,Asia iyo Afrika.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip