Sawirro: 40 bastoolad iyo raggii watay oo lagu qabtay xuduuda Somalia iyo Itoobiya

0
Tuesday January 28, 2020 - 22:52:29 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 40 bastoolad iyo raggii watay oo lagu qabtay xuduuda Somalia iyo Itoobiya

    Ciidamada Liyuu booliska ee dawlad degaanka Soomaalida, ayaa galabta gacanta ku dhigay hub, gaari iyo raggii wetay kuwaas uu gudaha u sii gelayey dhulka uu ka arimiyo ismaamulka Soomaalida. Hubkaan ayaa waxaa wetay oo lagu qabtay illaa seddax nin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Liyuu booliska ee dawlad degaanka Soomaalida, ayaa galabta gacanta ku dhigay hub, gaari iyo raggii wetay kuwaas uu gudaha u sii gelayey dhulka uu ka arimiyo ismaamulka Soomaalida. Hubkaan ayaa waxaa wetay oo lagu qabtay illaa seddax nin, kuwaas oo watay gaari HILUX ah, hubkaas ayaana dhamaantiis bastoolado ah. Bastooladaha lagu qabtay raggaas oo lasoo bandhigay sawirro laga soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 39 bastooladood. Seddaxda nin ee lagu eedeeyey inay wateen hubkaas ayaa laga qabtay magaalo lagu magacaabo Qaran oo u dhaw magaalada ku taalla xuduudda dowlad deegaanka iyo Somaliland ee Wajaale. TV-ga dawlad deegaanka ayaa baahiyay sawirrada gaariga iyo hubka lagu qabtay ragaas tiradooda lagu sheegay seddaxda nin, waxuuna weriyey in hubkaasi uu ahaa mid si sharci darro ah lagu gelinayey deegaanada maamulka, sharcigana lasoo taagi doono ragga ku eedeysan falkaas.

   





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip